Kormeer: Lix Baal Danbeed Oo Ay Tahay Inuu Midkood Jurgen Klopp Lasoo Saxiixdo Si Uu Dhibaatada Liverpool U Xaliyo

Koxda Liverpool ayaa booska daafaca danbe ka jiifta walow uu James Milner si fiican u buuxiyo hadana dhibaatada ma sahlana hadii uu maqnaadana majirto cid buuxisa. Alberto Moreno maahan wiil la iskuu Haleyn karo sidaas darteedna Jurgen Klopp wuxuu rabaa bedelka James Milner.

Xidig da’diisa aysan weyneyn isla markaana mustaqbalka lagu tashan karo ayuu Jurgen Klopp raadinayaa. Hadaba Kooxda.com ayaa idiin soo tabin 6 xidig oo ay tahay inay Liverpool midkood xagaaga lasoo wareegto.

6. Fabio Coentroa

Coentroa walow uusan wakhti fiican helin hadana wali waa laacib tayo leh oo ka wanaagsan Moreno.

Sidoo kae waxaa xidigan doonaya kooxaha PSG, Bayer Munich, Chelsea iyo waliba Manchester City.

Wuxuu noqon lahaa bedelka James Milner waana saxiix wanaagsan hadii uu Jurgen Klopp lasoo wareego.

5. Faouzi Ghoulam

Xidigan ayaa u ciyaara kooxda Napoli waxaana xiiseynaha kooxo tiro badan oo ka dhisan horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub.

Wiilka reer Algeria ayaa qaab ciyaareed heersare ah kujira wuxuuna noqon lahaa saxiix heersare ah hadii uu Jurgen Klopp kooxdiisa kusoo xoojiyo.

4. Aaron Cresswell

Xidigan reer Ingiriis ayaa qab ciyaareed fiican kusoo ban dhigay xulka qaranka England oo uu maamulayay Gareth Southampton.

Jurgen Klopp ayay tahay inuu laacibkan lasoo wareego si uu dhibaatadiisa daafaca danbe u xaliyo.

3. Raphael Guerreiro

23 jirkan ayaa kooxda Dortmund sanadkii 2016 kusoo biiray wuxuuna kamid ahaa xidigihii Euro 2016 kula guuleystay xulka Portugal.

Xidigan ayaa noqon lahaa ninka ugu habooon ee Jurgen Klopp keensan karo.

2. Jose Gaya

Waa da’yar kamida liiska lixda xidig ee Jugen Klopp lasoo wareegi karp xagaaga.

21 Jirkan ayaa ku sugan kooxda Valencia waxaana lala xiriiriyay kooxaha Arsenal iyo Manchester City lkn Liverpool way kaga dulqaaid kartaa.

1. Ricardo Rpdriguez

24 jirkan ayaa kooxda Wolvsburg shaqo fiican ka haya wuxuuna noqon lahaa dookha ugu wanaagsan ee buuxin kara booska Milner.

Hadii uu Jurgen Klopp lasoo wareego xidigan wuxuu ka caawin lahaa wax badan.

Comments

comments

Leave a Reply