Kooxda Barcelona Oo U Dhaqaaqday Danbeed Midig Oo Jooga La Liga Si Uu Bedel Ugu Noqdo Alex Vidal.

Sida ay kuso warramayso AS kooxda Barelona ayaa u dhaqaaqday danbeeda midig ee kooxda Eibar Ander Capa si ay ugu buuxiso booska uu ka dhaawacmay Alex Vidal.

Alex Vidal ayaa maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedka kadib markii uu dhaawac xun oo canqawga ahi doo gaadhay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Alaves sabtidii macallin Enrique ayaana booskaas u haysta keliya Sergio Roberto kaas oo ah xiddig laga soo guuriyay khadka dhexe.

SD Eibar v FC Barcelona - La Liga

Xidhiidhka kubada cagta Spain ayaa kooxda Bacelona u ogolaaday in kooxda Barcelona ay lasoo saxiixan karto xiddig kale iyada oo uu suuqu xidhan yahay sababta oo ah mudada dheer ee uu xiddigeedan maqnaan doono isla markaana uu yahay xiddig aan qandaraaskisu dhacayn.

As ayaa intaas ku dartay in kooxda Barcelona ay dalabkeda gudbisay isla markaasna ay qorshaynayso in ay xiddigaan kusoo qaadato qaab amaah balse Capa ayaa laga yaaba in uu iska diido dalabka kooxda Barcelona.

25 jirkaan itaalka roon ayaa 17 kulan u saftay kooxdiisa Eibar oo ku jirta kaalinta 7-aad ee kala sarraynta horyaalka La Liga isagoona ka qayb qaatay guud ahaanba ololihii ay kooxdan yari ay uga soo dallacday horyaalka saddexaad isla markaana ay markeedii u horryasay taariikhda ay ku timi heerka koowaad ee La Liga.

Comments

comments

Leave a Reply