Kooxda Barcelona Oo Ku Biirtay Baacsiga Loogu Jiro Xiddig Ka Niyad Jabsan Kooxdiisa Tababaraha Haatan Ugu Cad-cad In Uu Kooxda Qabto Ayaa Dalbaday

Wargaysyada dalka Spain ayaa sheegaya in maamulka kooxda Barcelona ka fikirayaan in ay dib ula soo wareegaan weeraryahanka xulka qaranka Chile iyo Kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez.

Barcelona ayaa la filayaa in ay shaqada ka erido tababareheeda reer Spain ee Luiz Enrique marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan kadib guuldarooyin waali ah oo kooxda xilli ciyaareedkan kooxdu la kulantay.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in maamulka Barcelona u dhaqaaqi doonaa weeraryahanka reer chile marka ay iska fasaxaan tababarea Luiz Enrique.

Sababta ay xiddigan kooxda Barcelona u doonayso ayaa lagu sheegayaa in tababaraha kooxda Sevilla ee Sampauli oo ugu cad-cad shaqada Barcelona uu doonaya in uu xiddigan ku arko kooxda Barcelona.

Waxa xusid mudan in kooxda Barcelona iska fasaxday xiddigan xilli ciyaareedkii 2014 xilligaas oo uu ku biiray kooxda Arsenal kana mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: