Kadib Karbaashkii Xalay Loo Qoray Gunners; Maxaa Kasoo Kordhay Wararkii Heshiis Cusboonaysiinta Macallin Wenger.

Todobado yar ka hor waxa soo baxayey warar sheegaya in macallin Wenger la hor geyn doono heshiis cusub oo uu macallinkaan kooxda kusii laylin doono laba sano oo kale.

Macallinkaan reer France ayuu qandaraaskiisu dhamaanayaa dhamaadka xilli ciyaaredkaan balse badi taageerayaasha Gunners aya u oynayaan in mar uun macallinkaan uu faarujiyo kooxdooda si ay 20 sano ka bacdi u arkaan is bedel.

Si kastaba maamulka kooxda Arsenal ayaa markaan u muuqda kuwa u dhega nugladay dhawaaqa taageerayaasha kooxda iyagoona qaataay go’aan ku saabsan heshiiska macallinkoodan.

Sida ay kusoo warramayso BBC maamulka Arsenal ayaa dib u dhigay wada hadaladii hesshiis kordhinta macallinkaan iyagona ka war sugi doono natiijooyinka kooxda Arsenal isla markaana dhamaadka xilli ciyaareedkaan go’aansan doona in Arsene u qalmo heshiis cusub iyo in kale.

Comments

comments

Leave a Reply