Kadib Guushii Koobka Qaramada Africa; Xulka Qaranka Cameroon Oo Sare U Kac Balaadhan Ka Sameeyay Qiimaynta FIFA Ee Qaramada Aduunka.

Xulka qaranka Cameroon ayaa todobaadkii hore lo caleemo saaray koobka qaramada qaaradda Africa kadib waxaana ay gushaasi u sahashay in ay 29 kaalmood kasoo kacaan booskoodii hore balse 10-ka qara ee sare ayaan wax is bedel weyn ahi ku iman.

Cameroon fly up FIFA ranking after Africa Cup of Nations triumph

Cameroon oo February 5-teedii koobka qaradda ku garaacday dhigeeda Masar waxaana ay qiimayntii hor dhaca ahayd ee ay FIFA ku samaysay qaraada aduunka kasoo gashay kalinta 33-aad iyadoona soo booday 29 kaalmood.

Sidoo kale Egypt ayaa iyana booska kala baxday Qaranka jamhuuriyada Ireland waxaana kadib 12 kaalmood oo ay sare usoo kacday ay soo gashay kaalinta 23-aad.

Qaranka Gabon oo marti gelinayey tartankaan ayaa sameyay sara kaca  weyn ka sameeyay qiimayntaan isaga oo 21 kaalmood sare usoo kacay isla markaana soo galay kaalinta 87-aad.

Hal is bedel keli ah ayaa ka dhacay 10-ka kaalmood ee sare , qaranka France ayaana kaalinta lixaad kala baxay weli qaranka Argentin ayaa ah qaranka hogaaminaya qiimaynta hor dhaca ah ee ay samaysay FIFA halka Brazil ay ku jirto kaalinta Labaad kaalinyta saddexaadna ay u cashuuran tahay Germany.

Welsh iyo England ayaa ku kala jira kaalmaha 12-aad iyo 13-aad sida ay u kala horeeyaan balse qaranka Italy ayaa hal kaalin sare usoo dhaqaaqay isaga oona yimi kaalinta 15-aad .

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: