Kabtan John Terry Oo Lagu Soo Warramayo In Uu Iska Diiday 3 Dalab Oo Ka Yimi Horyaalka MLS-ka Halkaan Sabab Darteed!

Daafaca dhexe iyo kabtanka kooxda Chelsea ayaa xilli ciyaareedkaan iska diiday dalabyo ka yimi saddex kooxood oo MLS ah sida ay kusoo warranayso Daily Star.

LA Galaxy, New York Red Bulls iyo Orlando City ayaa la sheegayaa in ay doonayeen in ay daafacaan xuduudka dhaafiyaan balse 36 jirkaan ayaa doonaya in uu kusii sugnaado Stamford Bridge si uu kooxdaan ugula guulaysto horyaalkoodii shanaad ee tariikhda.

Chelsea v Brentford - The Emirates FA Cup Fourth Round

Inkastoo uu san boos joogto ah ka haysan shaxda Antonio Conte isla markaana laga hor mariyo saddexda daafac ee Luis,  Cahil, Azpilicueta balse Terry ayaa ku adkaysanaya in aysan muhiim ahayn in uu ciyaaro hadii kooxdiisu ay la’aantiis si wanaagsan u ciyaarayso .

36 jirkaan ayaa aad u danaynaya in uu sii joogo kooxdiisa balse kooxda Chelsea ayaan weli wax qandaraas cusub ah soo hor dhigin John Terry waxaan la filayaa in uu kooxda isaga huleelo dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Chelsea ayaa haatan 8 dhibcood ka sarraysa kooxda Manchester City oo ku jirta kaalinta labaad e jadwalka kala sarraynta horyaalka waxaana ay u cadadahay in ay Premier League ku gulaysatao xilli ciyaareedkaan iyadoo ay weli hadhsan yihiin 13 kulan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: