Ka Dib Markii Ay Qaadeen K/Q Africa , Cameroon Kulankooda Ugu Horeeya Koobka Qaaradaha Qarankee Ayay La Ciyaarayaan?.

Qaranka Cameroon ayaa xalay ku guuleystay koobka qaramada Africa ka dib markii 2/1 ay ku garaaceen qaranka Masar oo ay finalka wada joogeen

Waa markii 5-aad ee ay taariikhdooda ku guuleysanayaan koobkaas qaramada africa waxa ayna goolka guusha heleen daqiiqaddii 88-aad

Guushaas koobka qaramada Africa waxa ay Cameroon kaga qeyb galayaan tartanka koobka qaaradaha .

Waxa ay tartankaas ku wehlinayaan Jarmalka oo koobka aduunka haysta ,Chile oo qaaday Cope America iyo Australia oo haysata koobka qaaradda Asia

Waxa ay Cameroon kulankooda ugu horeeya tartankaas la ciyaarayaan Chile 19-ka June halka ka dib ay la kulmayaan Australia waxa ayna kulamada wareegga Group-yada ku soo afjarayaan Jarmalka

Comments

comments

Leave a Reply