Intii Xalay Makugu Filan Tahay? James Rodriguez Oo Mar Kale Ka Hadlay Arrimaha Mustaqbalkiisa.

Xiddigah khadka dhexe ee kooxda Real Madrid James Rodriguez kaas oo xalay kusoo bilowday kulankii kooxdiisu ku durdirisay dhigeeda napoli kulankii Champions League ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay caasimadda Spain isla markaana mustablakiisu uu yaalla Sentiago Bernabeu.

James: I want to stay at Madrid for a long time

Xiddigaan ayaa tan iyo xi la wareegidi Zuzzo ee majaraha Madrid xidhiidh diiran la sameeyay kursiga kaydka waxaana inbadan la sheegayey in Colombian kaan uu kusii jeedo Premier League iyo kooxaha London balse James ayaa sheegay in uu farxad ku daremayo kooxdiisa Real Madrid.

“Waxaan u malaynayaa in wax kastaaba u socdaan si wanaagsan, Madrid waa koox weyn anigun had iyo jeer waxaan doonayaa in aan halkaan joog ” ayuu yidhi James.

“Xumaha iyo samuhuba waa ay dhacaan balse anigu waxaan doonayaa in aan inbadan halkaan joogo, had iyo jeer waxaan u tababartaa in aan ciyaaro waxaan doonayaa in aan halkaan joogo. Inbadan ayaa doonayaa in aan ciyaaro, hadda waxaan haystaa ciyaaro fara badan oo aan dheelo wax kastaa si degen ayay isu bedelayaan” ayuu 25 jirkaan hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. abdirahman Ibrahim says:

    that is good young Colombian man stay there I am sure you will succeeded




.

%d bloggers like this: