Intee Ku Dambeeyay Baacsigii Arsenal Ugu Jireen Saxiixa Xiddiga Napoli Ee Lorenzo Insigne

Sida saxaafadda Italy qoreyso , Arsenal ayaa culeys kala kulmaysa soo xero gilinta Lorenzo Insigne oo u ciyaara kooxda Napoli maadaama kooxdaas ay wadahadallo hishiis cusboneysiin ah la fureen laacibka.

Weeraryahankaas ayaa lagu waramayaa in wadahadallo hor leh ay kuwada jiraan kooxdiisa si uu hishiiska u kordhiyo xagaaga sidaas oo ay tahay ma jirto arin ay isla meel dhigeen illaa haatan.

Arsenal ayaa 25 sano jirkaas baacsaneysay tan iyo xagaagii hore balse Gazzetta dello Sport ayaa sheegeysa in baacsigaas uu mugdi galayo haatan

Hishiiska haatan ee laacibka aya dhacaya June sanadka 2019-ka balse waxa ay doonayaan in ay balaariyaan iyadoo mushaar illaa 70 kun oo gini lagu siinayo hishiiskaas cusub
Hishiiska haatan Lorenzo Insigne ee Napoli ayuu ku qaataa mushaar dhan 40 kun oo gini

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: