Hab Cusub Oo Aad Facebook Lacag Uga Sameyn Karto , Fursad Cusub Ayay Facebook Soo Kordhiyeen

Mar dhaw Facebook lacag ayaa laga sameynayaa, waxa ayna tijaabo ku wadaan hab dadka adeegsada u saamaxeysa in ay suuq geeyaan xayaysiisyada facebook la soo marsiiyo.

Tusaale : marka aad facebook soo dhigto muuqaal lana daawado ugu yaraan 20 il biriqsi waxaad awood u yeelaneysaa in xayaysiisyada ay bixinayaan Facebooka dhex dhigto ka dibna waxaa ku bilaabaneysa in uu lacag shaqeeyo iyadoo la eegayo inta qof ee sii raacda xayaysiiskaada ee taabata iyo guud ahaan tirada inta aragtay.

Imisa ayay helayaan dadweynaha hela fursadda ah in akoonkooda facebook ka sameeyaan lacagta ee ay ku sii suuq geynayaan xaysiisyada facebook la soo marsiiyo, waxaa la xusay in ay helayaan %55 lacagta laga soo qaaday shirakadhaa wax ku xayasiista bartaan bulshada ay ku kulanto.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Arintaan waxa ay loolan gilineysaa Google gaar ahaan qeybtoodaYoutube-ka oo muuqaalada la giliyo fursad looga helayay in lacaga laga sameeyo , waxa ayna saraakiisha Facbeook sheegeen in xayaysiisyada ka soo dhex muuqanaya muuqaalada dadka adeegsada Facebook ee go`aansada in muuqalkaas lacag ka sameeyaan in dhanka kale aysan dhibi doonin dadka daawanaya ee adeegsanaya facebook oo haddii aysan dooneyn in ay daawadaan waa ay iska xeri karaan xayaysiiska.

Weli si rasmi ah looma dhaqan gillin waxa ayna Facebook lagu wadaa in ay soo saaraan faah faahin dheeraad ah  oo ku aadan akoonada awood yeelan kara in ay helaan fursadaas, waxii arintaan ka soo kordha gadaal dambe ayaan idinkala soo socodiineynaa Hadii Alle Idmo 

Muhiimada warbixntaan aan u soo qaadannay ayaa ah in aqristayaasheena kooxda.com ka faa`ideystaan fursadaan

Xigasho : Halkaan Riix Warkaan Oo Luqadda English-ka Ah 

Fadlan Adna  U Sii Share Gareey Asxaabtaada Facebook Si Fursadaan Ula Socdaan

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Queen says:

    Thanks kooxda.com sificn uma fahmin ani facebook kayga waa buuxa 5000 mad cusup ina samaysto ku shaqaysty noqonysa miyaa loool ila lacag baa laga samaysan kara e




.

%d bloggers like this: