Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ayaa sheegaya in Frank Ribery uu diyaar buuxa u yahay kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka Champion-ka ee ay martida ugu noqonayaan Arsenal
Munich ayaa xalay kooxdaas reer Ingiriis ku soo garaacday 5/1 xilligaas oo Ribery ka maqnaa kulanka lagu dur duriyay Arsenal
Arintaan ayaa niyad jab ku ah tageerayaasha Arsenal maadaama marka ay garoonka ku wada jiraan Ribbery iyo Arjen Robben ay adag tahay in lala macaamilo kooxdaas
Ribery ayaa kulankaas ku seegay dhaawac 13 cesho ka hor ku gaaray kulankii Werder Bremen xilligas oo kooxdiisa ku badiyeen 2/1
Lugta labaad ee wareegga 16-ka Champion-ka ayay labadas koox ciyaaryaan 7-da bisha dambe ee March