Feedhyahankii Reer Morroco Ee Xidhiidhka ‘Shakigu Ku Jiro’ La Lahaa Cristiano Ronaldo Oo Lagu Xukumay Laba Sano Oo Xadhig Ah.

Sida ay kusoo warramayso jariiradda Daily Mail; feedhyahankii reer Marroco ee Badr Hari ayaa lagu xukumay laba sano oo xadhiga ah oo uu ku qadan doono Natherlands kadib markii maxkamad ku taallaa Amsterdam ay ku heshay danbiyo weerar oo uu ninkaasi ka gaystay dalkaas.

Ron

Badr Hari ayaa la sheegayaa in uu geystat falal gacan ka hadal ah sanadihii 2011-kii iyo 2012-kii iyadoo mid kamid ah weerarkaas uu gaystay feedhyahankaasi uu ka dhacay garonka kooxda Ajax ee Amsterdam Arena halka kan labaadna uu ka dhacay goob baar ah oo lagu caweeyo.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in feedhyahankaan uusan joogin goobta ay ka dhacaysay axkamadayntiisu balse waxaa la filayaa in uu kasoo safri doono waddankiisa si uu Natherlands ugu soo qaato ugu yaraan  bilood oo xabsi ah.

Hari ayaa dhawr mar oo sii horraysay lagu helay danbiyo ah in uu dagaal ku galay meelo lagu caweeyo iyadoona dhawr mar loogu hanjabay in wakhti  laga ganaaxi doono kulamadiisa .

32 jirkaana ayaa xidhiidh saaxiibtinimo oo dhaw la lahaa xiddiga afarta jeer ku guulaystay abaal Marinta Ballon d’Or iyadoo dadka qaar ay sheegayeen in labadaan nin ay ka dhaxayso xidhiidh jinsi .

Marar badan ayaa lasoo sawiray labadaan nin oo si qab daran u wada sawiran halka Cristiano Ronaldana uu badanka fasaxyadiisa gaaban kusoo qaato dalka Marocco oo uu feedhyahankaasi kasoo jeedo isla markaana uu usoo booqdo saaxiibkiis Hari.

Ronaldo iyo Hari ayaan midkoodna ka hadlin nooca xidhiidh ee ka dhexeeya iyagoona isla markaasna aan doonayn in ay dab kusii shidaan dacaayadan halka ay mar walba sii wadaan xidhiidhka dhaw ee saaxiibtinimo ee ay wada leeyihiin.

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Marcelo says:

    Waar ninku wa makhnud cuudu bilaa




.




.




%d bloggers like this: