Fadeexo+Sawir: Weeraryahankii Horay Uga Soo Ciyaaray Horyaalka Ingiriiska Oo Lagu Eedeyay Arin Anshax Ciyaartoyda Imaaraadka Ka Baxsan

Ururka kubada cagta ee wadanka Imaaraadka ayaa weeraryahankii hore ee Sunderland iyo xulka qaranka Ghana ninka laguagacaabo Asamoah Gyan ku eedeeyay inuu timaha i jartay si ka baxsan anshaxa maadaama ay sharciga ururkaasi ay ku jiraanq qodobo xeerinaya timo jarashada ciyaartoyda.

Marka la joogoo Imaaraadka carabta waxaa ciyaartoyda loo xadeeyay inaysan timaha u jaran karin si ka baxsan akhlaaqiyaadka dii ta Islaamka arintaasi ayaana sabab u noqonaysa inay saameyso xidig kasta oo ka ciyaaraya horyaalkaas xataa haba ka yimaado wadamo kale ama diimo kale.

Sharcigan wuxuu ciyaartoyda ku khasbayaa in hadii ay si anshaxa ka baxsan usoo xiirtaan timaha looga jaro irida looga soo galo garoonka.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Arintan ayay maamulka ururku sheegeen inay tahay anshax xumo maadaama caruurta garoonka timid ee daawanaysa ay ciyartoydan ku dayan doonaan isla markaana duuqa galin doonaan wax ka baxdan anshaxa islaamka.

Sida aad sawirka kore uga jeedaan asamoah Gyan ayaa timaha usoo.jartay qaab inta sare dheertahay inta hoodana gaabantahay kadibna qoraal lagu xardhay qeybta hoose.

Sanadkii hore ayay aheyd markii goolhaye lagu magacaabo Waleed Abdullah oo horyaalkan UAE ka ciyaara lagu ganaaxay in taanalka looga jaro timaha inta uudan garoonka galin maadaama ay garsoorayaashu ku heleen inuu timaha usoo jartay si anshaxa ka baxsan.

Si kastaba ha ahaatee Gyan ayaa horyaalkan ka ciyaaray 8 kulan wuxuuna dhaliyay 2 gool.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. samiir cade says:

    war hala daaaayo
    ciyaartooyda
    waan
    la guumaysanin
    haydinka
    shaqaystaaaan




.

%d bloggers like this: