Eric Bailly Oo United Kula Taliyay In Ay La Soo Hishiiyaan New Yaya Toure ,Horyaalka Italy Ayuu Joogaa

Daafaca Man United ee Eric Bailly ayaa kula taliyay tababare Jose Mourinho in uu kooxda xagaaga dambe ku soo jiido ina adeerkiisa qadka dhexe uga ciyaara kooxda Atalanta ee Franck Kessié

Laacibkaas ayaa bishii hore waxaa aad loola xariiriyay kooxda Chelsea balse tababare Conte ayaa ku fashilmay in uu soo afjaro hishiiskaas

Kooxaha kale ee Roma iyo Inter Milan ayaa qeyb ka ahaa baacsiga laacibkaas waxaana loogu naaneysaa New Yaya Toure

Wargeyska Express ayaa sheegaya in Franck Kessié uu ku wacan yahay qadka dhexe iyo waliba difaaca

Mar 20 sano jirkaas la weydiiyay mustaqbalkiisa ayuu todobaadkaan yiri ” farxad ayaan dareemayaa waayo kooxo waa weyn ayaa i xiiseynyaa waxa ayna taasi muujineysaa in aan soo bandhigayo heer ciyaareed wacan,aan aragno haddii loo baahdo in lala xaajoodo kooxdeyda”.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: