Dib-U-Eegid+Rasmi: Maxaad Ka Ogtahay Laba Rikoor Oo Caawa Laga Jabiyay Sir Alex Ferguson? Anceloti Iyo Wenger Ayaa Taaariikh Cusub Champions League Ka Dhigtay

Tabanarihii hore ee kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson wuxuu ahaa macallin rikooro badan ku leh horyaalka ingiriiska iyo qaarada yurub.

Caawa waxaa macallin Ferguson laga jabiyay labo rikoor oo kala duwan waxaana labadaasi rikoor ka jabiyay labada macallin ee kala ah Carlo Ancelotti iyo Arsene Wenger.

Macalin Carlo Ancrlotti oo maamulaya kooxda Bayer Munich ayaa caawa wajahay Macalin Arsene Wenger oo maamulaya kooxda Arsenal kulan ka tirsan lugta 1aad ee wareega 16ka Championd League.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Hadaba Rikoorka uu Catlo Ancelotti caawa ka jabiyay Ferguson ayaa ah inuu noqday macallinka Ciyaaray kulamada ugu badan wareegyada isreebreebka ee Champions League(Most Matches in knock out stages).

Dhinaca kale macallin Arsene Wenger ayaa isagana noqday macallinka xilli ciyaareedada ugu badan wareegyada isreebreebka soo gaaray(Most seasons in UCL Knock out).

Labadaasi rikoor ee macallimiintu jabiyeen waxay ka dul qaadeen Sir Alex Ferguson oo shaqada Manchester United 26 snao hayay isla markaana kula guulrystay koobab yiro badan oo Championd League ka mid yahay.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: