Dib U Eegid : Marka Laga Yimaado Guul Darada ,Arsenal Oo Rikoor Ceeb U Soo Hoyisay Kooxaha Ingiriiska Iyo 5 Xog Kale Oo Laga Bartay Guushii Munich Ee Aresenal

Munich ayaa si weyn  lug ula gashay wareegga 8-da Champion-ka ka dib markii Arsenal uga soo badiyeen 5/1 ka dib kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareegga 16-ka Champion-ka

Hadaba waxaa jira xogo ka soo baxday kulankaas Munich iyo Arsenal .

*Munich ayaa badisay 16-koodii kullan ee ugu dambeeyay Champion-ka ee ay ku ciyaareen garoonkooda waana markii ugu badneyd taariikhda ee sidaas ka sameeynayaan tartankaan Champion-ka

* Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee Ingiriis ah oo qaabisha 200 oo gool oo Champion-ka ah

* Arsenal ayaa 5 gool qaabishay markii ugu horeysya tan iyo November ee sanadkii 2015-kii waxa uuna ahaa kulankoodii ugu dambeey ee Munich xilligaas oo 5/1 looga badiyay

* Weeraryahanka Munich ee Robert Lewandowski waxa uu shabaqa soo taabtay 15 jeer 13-kii kullan ee ugu dambeeyay ee Champion-ka ee uu kooxdiisa kula ciyaaray qalcadda Allianz Arena.

* Arsenal ayaa noqotay kooxdii 4-aad ee oo 200 oo gool ka qaabisha Champion-ka ,Real 248 , Munich 226 iyo Barceloan oo 221 ah

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: