Dib U Eegid :Arjen Robben Waa Uu Ku Taqasusay Goosha Arsenal, Imisa Gool Ayuu Ku Leeyahay ?.

Arjen Robben ayaa gool ka dhaliyay kooxda Arsenal kaasi oo yimid qeybtii 1-aad ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqaddii 11-aad

Munich ayaa Arsenal ku marti gilisay lugta 1-aad ee wareegga 16-ka Champion-ka

Hadaba goolkaas ayuu laacibkaas ku sii wataa soo bandhigidda heer ciyaareedka wacan ,waxa uu dhaliyay guud ahaan illaa haatan 124 goolka dib 238 kullan oo uu u saftay Munich dhamaan tartamada

Arjen ayaa goolkiisii Arsenal waxa uu u yahay kiisii 3-aad ee Arsenal uu ka dhaliyo ,laba gool Munich ayuu kaga dhaliyay halka midna uu kaga dhaliyay xilligii uu Chelsea joogay mana jirto koox ingiriis ah oo uu sedex gool ku leeyahay

Dhanka kale goolashii Champion-ka ayaa ka dhigtay 28 gool oo uu ku noqday gool dhaliyaha 4-aad ee ugu fiican Holland ee tartankaan Champion-ka waxaa kaliya ka sareeya van Nistelrooy oo leh 56 gool , Kluivert iyo Roy Makaay oo min 28 gool leh

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: