Dad Weynaha Reer Chile Oo Abaabulaya Mudaharaad Ay Ku Dalbanayaan In Alex Sanchez Isaga Tago Arsenal Kadib Xasuuqii Alianz arena

MUNICH, GERMANY – FEBRUARY 15: Alexis Sanchez of Arsenal during the UEFA Champions League Round of 16 first leg match between FC Bayern Muenchen and Arsenal FC at Allianz Arena on February 15, 2017 in Munich, Germany. (Photo by Stuart MacFarlane/Arsenal FC via Getty Images)

Shacab weynaha ku dhaqan wadanka Chile oo uu ka dhashay Alex Sanchez ayaa abaabulaya mudaharaad ay uga soo hor jeedaan in xidigooda ugu wanaagsan uu u ciyaaro koox Arsenal oo kar ah.

Saxaafada Chile ayaa lagusoo waramayaa inay sheegayaan warar la xiriira sida ay dad weynaha reer Chile uga xunyihiin in laacibkoodu u ciyaaro Arsenal isla markaana looga badiyo tiro goolal ah oo miisaan leh.

Mudaharaadkan oo lagu abaabulay baraha Facebook ayaa waxaa lagu wadaa inuu 1da bisha March ee inagu soo aadan ka dhici doono magaalada caasimada wadanka Chile ee Santiago waxaana soo xaadiri doona ugu yaraan 4000 oo Qof.

Bog ay reer Chile ka sameeyeen Facebook ayay ugu magac dareen, “Mudaharaad Qaran Oo Ku Wajahan In Alex Sanchez Ka Tago Arsenal” Waxayna bogaasi ku abaabulayaan sidii ay mudaharaadka u xoojin lahaayeen inta laga gaarayo March 1.

Hadafka ay boga “Description” ugu qoreen waxay u dhigneyd erayo la micno ah sida tan, “Anaga reer Chile ahaan, waxaan ka dalanay inaan daawano xidigeena uvu wanaagsan oo kaligiis ciyaaraya. Ma rabno inuu Real Madrid aado mana rabno inuu Barcelona ku laabto, meeshuu doono ha ka ciyaaro balse waxaan rabnaa isaga oo ka garab ciyaaraya 10 xidig oo si dhiig leh ula ciyaaraya, natiijadana siday doontaba ha noqoto. Uma qalmo inuu kaligiis ahaado oo ku dhex dhinto”

Alex Sanchez ayaa habeenkii guuldarafa Bayer Munich kooxdiisa u dhaliyay goolka kaliya balse guuldarada kadib waxaa la sheegay inuu muran dhex marayay isaga iyo xidigaha kale ee kooxdiisa.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. XUDEYFa SYL says:

    hhh wlcme bianconeri juvnts adiga cup ka dhergi doneee




.




.




%d bloggers like this: