Chelsea Oo Kala Fur Fureysa BBC , Real Ayay Weeraryahan Kaga Doonayaan Qiimo Aad U Sareeya Waase Lagu Haystaa .

Sida ilo wareedyo saxaafadda Ingiriiska ah qorayaan , kooxda Chelsea ayaa go`aansatay in dalab rasmi ah ka geeyaan weeraryahanka Real Benzema si ay helaan xagaaga

Laacibkaas 29 sano jirka ah ayaa si xooggan loola xariirinayay in muddo ah kooxda Arsenal oo sanado badan baacsaneysay xilli la xusayo in dhankooda xittaa in ay dalab aan la shaacin qiimihiisa ka geeyaan laacibka

Wiilkaas reer France ayaa Santiago Bernabeu jooga tan iyo sanadkii 2009-kii xilligaas oo uu Lyon ka soo wareegay waxa uuna illaa haatan u dhaliyay Real 174 gool dhamaan tartamada
Si waliba oo ay ahaato , wargeyska AS ayaa sheegaya in Bemzema dhankiisa uu doonayo in uu ka wareego Real uuna xiiseynayo in uu so tijaabiyo horyaalka Ingiriiska

Waxaa la rumeysan yahay in Chelsea diyaar u yihiinin in laacibkaas ka geeyaan qiimo gaaraya 52 milyan oo gini waana qimaha ay Real ku doonayaan in ay ku fasaxaan laacibka haddii arintaas ay dhacdo

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: