Arsenal Oo Wadahadallo La Furtay Xiddig Ay Doonayaan In Ay U Xeraan Lambarka Sanchez Ee No 7,Imisa Ayayna Ku Doonayaan.

Arsenal ayaa wadahadallo la furtay kooxda Dortmund iyaga oo kala xaajoonaya saxiixa Marco Reus oo ay muddo baacsanayeen

Arsenal ayaa ka cabsi qabta in Alexis Sanchez ka huleelo kooxdaas marka xilli ciyaareedkaan dhamaado maadaama uu diidan yahay in uu saxiixo hishiis cusub ,wax ayna doonayaan in ay u xeraan Reus lambarka 7-aad

Hishiiska Alexis Sanchez ee Arsenal ayaa dhacaya xagaaga 2018-ka waxaana loo badinayaa in uu baxayo marka xilli ciyaareedkaan dhamaado iyadoo arimaha la isku hayo ugu xoogan tahay dhanka mushaarka maadaama u haatan qaato 180 kun todobaadkii waxa uuna dalbanayaa ilaa 250 kun

Arsenal ayaa 27 sano jirkaas Reus haatan ku dooneysa aduun gaaraya 51 milyan oo gini si xagaagaan u helaan saxiixiisa .

Hishiiska Reus ee Dortmund ayaa dhacaya 2019-ka waxa uuna xilli ciyaareedkaan kaliya saftay 5 kulllan oo horyaalka Jarmalka ah sababo la xariira dhaawac hayay

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.