Antonio Conte Oo Ku Riyoonaya Inuu Mar Chelsea Keeno.Xidig Ka Tirsan Koooxda Juventus, Ma Ahan Dyabala!!

Tababaraha kooxda Chesea ayaa mar kale lala xiriirin xidig ka tirsan kooxdii uu horay usoo maamulay ee Juventus.

Antonio Conte ayaa horay loola xiriirinayay xidigo.ka tirsan isls kooxdaasi waxaana xagaagii lasoo dhaafay Chelsea aad loola xiriiriyay Bonucci. Sidoo kale waxaa malmahan danbe Chelsea lala xiriirin Poulo Dyabala.

Hadaba wararka xanta ah ee goor dhaweyd soo baxaya ayaa sheegaya in tababare Antonio Conte ku riyoonayo inuu mar Stamford Bridge kasoo dajiyo xidiga kooxda Juventus ee Claudio Marchisio.

War sidaha Tutto Mercato Web ayaa shewgay in tababare Antonio C9nte bar tilmaameedkiisa xagaaga ka dhigtay Marchisio.

31 Jirkan ayaan wakhti xaadirkan boos joogta ah ka haysanin kooxda Juventus waxaana loo dhaahdiciyay kooxda keydka xilli uusan cajab galinin tababare Masimilano Allegri.

Xidga ayaa lagusoo waramayaa inuu kooxda Chelsea u dhaqaaqi karo maadaamaqandaraaskiisa Juventus uu dhacayo sanadka 2020ka.

Kooxda Chelsea ayaa raadinaysa khad dhede kadib markii ay bishii Janaayo iska fasaxeen xidigahooda kaa ah Oscar iyo John Obi Mikel.

Xagaaga inagu soo aadan ayuu tababare Conte qorsheynayaa inuu xidigan dalab kagudbiyo isaga oo ku han weyn inuu mar kale tartan adag u galo horyaalka ingiriiska xilli ciyaareedka danbe.

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.