Afrika: Shaxda Kooxdii Ugu Wanaagsaneyd Tartankii Qaramada Qaarada Afrika Oo Lasoo Saaray Iyo Labo Xidig Oo Chelsea Ah Oo Kasoo Muuqday

Tartanka qaramada qaarada Afrika ayaa soo idlaaday waxaana lasoo saaray shax ka kooban 11kii xidig ee ugu wanaagsanaa intii uu tartanku socday.

Xulka qaranka CAMEROON ayaa habeen hore 2:1 kaga qaaday koobka dhigooda Egypt xilli ay daqiiqadihii dhimashada ka dhaliyeen goolka guudha.

Cameroon ayaa markoodii shanaad ku guuleysatay tartankan waxaana markii ugu danbeeysay oo ay ku guulaystaan kasoo wareegtay 16 sano.

Hadaba xidigaha Chelsea ee Bertrand Troare iyo Christian Atsu ayaa kasoo muuqday shaxdana balse labada xidigba wakgti xaadirkan waxay Chelsea uga maqanyihiin Amaah. Shaxda waxaa kale oo kasoo muuqday xidiga Leicester City ee Daniel Amartey, iyo Mashiinka Roma ee Mohamed Salah.

Shaxda Oo Dhameeys Tiran: Ondoa, Ngadeu, Hegazy, Mbodji, Amartey, Atsu, Kabore, Troare, Bassogog, Salah iyo Kabananga.

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: