7 Sababood Oo Caawa Kugu Khasbaya In Aad Daawato Champions League Halkii Aad Gacalkaaga Kala Qayb Qaadan Lahayd Maalin Gaaleedka Valentine’s Day.

Waa 14-kii February waxayna ku beegan tahay maalinta loo yaqaano Valentine’s day-ga amase maalinta jacaylka aduunka kuwaas oo dhalinyaro badan oo islaam ah gaar ahaan soomaalideenu aysan fahansanay qisada dhabta ah ee ku duugan maalinkaan iyo shakhsiga uu ahaa Valentine.[Si kastaba waxaan uga jeednaa ‘ma fiicna in loo dabaldego 14-ka February ‘ si lamid ah maalmaha Chrismas-ka]

Sidoo kale 14 February waxay ku beegan tahay habeenkii dib daaha looga qaadi lahaa tartanka xiisaha iyo xamaasada badan ee Champions League kaas ooo mudo laga nasanaayey waxaana caawa la ciyaari doonaan laba kulan ee u horeeya wareega 16-aad ee tartankaas.

Hadaba Shaahaaga iyo Sharaabkaaga soo qaado waxaan kuu haynaa todoba sababood oo aad isaga dhega tirto maalinta jacaylka aduunka isla markaana Shaashada aad ka daawanayso Champions League ay u noqonayso gacalisadaada/gacaliyahaaga koowaad.

Muusika Tartankaas

fhdf

Tan tan taraaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa. Imisa habeen ayaad ka soo habsaantay kulan aad sugaysay. dabadeed adiga oo xaafada ama goobtii aad ka daawanaysay uu ka dhawaaqay muusika furitaanka Champions Leagu Ma Tallaabo dheeraysay mana is dhahday qaybtii ugu muhiimsanayd ayaa ku dhaaftay?

Sidoo kale hadii aadan Muusika Dhegeysan, ma ku raxaysataa marka ay mucallaqiinta BeIN Sports naadinayaan kulamada Champions Leauge [ Yuwassacccccccc]? Been hanoo sheegin! Miyaanad kaga maaranteen heesta laguu daaro habeenka jacaylka.

6-Daadihinta Kulamada 

dsgds

Kubadan casriga ahi aad ayay u qurux badatay, gaar ahaan xilligii ay xuquuqaha wax ku yeesheen BT Sports, Sky Sports iyo BBC.

In badan oo halyeyadaadii kubada cagta ah ayaa daadihin doona kulamadaan isla markaana faallayn doona, Ilma Neille, Carragher iyo Thierry Henry ayaa kusoo hor fadhiisan doona waxayna kula wadaagi doonaan araa’dooda khibradeed ee kulamadaan shekadooduna waxay ku illowsiin doontaa sheekadii lamaanahaaga.

5-Saadaasha Maxaa Xigi Doona

vnxcv

Khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund, Julian Weigl, kan Benfica ee Nelson Semedo iyo Mucjisada  PSG Adrien Rabiot intuba waxay xagaaga danbe kusoo biiri karaan kooxdaada waxaadna doonaysaa in aad kooxdaada u noqota koreere u jooga soomaaliya kaas oo xiddigaha yurub indha indheeya.

4-PSG Waxay U Socotaa Aar Goosi

dghsd

Xilli ciyaareedyadii 2012/13 iyo 2014/15 kooxda Barcelona ayaa horyaalka League 1 ka tuurtay wareega Quarter finalka ee tartankaan iyadoo midkii u danbeeyay uu ahaa celcelis 5-1 [ceeb] hadana Psg waxay u socotaa in ay aar goosato.

Unai Emre wuu ka xishoda markuu ka hortago Barca maadama 23-kii kulan ee ugu danbeyay uu hal mar ka badiyay  balse caawa waxa uu wataa kooxdii ku haboonayd ee uu isku bari lahaa Barcelona. Aynu wada daawano Champions League , jacayl iyo sheekadaas waxba makuu tarayse.

3. Pierre-Emerick Aubameyang

Dfsd

Maxaad ula yaabtay markii aan sheegnay magaciisa? Aubamwyang waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu dilaasan kuwaas  tartankaan ka ciyaraya, sidoo kale waa xiddig African ah oo ay isku haystaan cutub dhan oo kooxaha yurub ugu waaweyn ihi waxaana uuna ku socdaa wadadii uu ku noqon lahaa Africankii ugu qaalisanaa kubadda taariikhda kadib marka uu xagaaga u wareego koox weyn sida Madrid ama City.

2-CIWKDH

gsdg

Hadii aanad garanayn CIWKDH. waxay u taagan tahay Cabsida In Wax Ku Dhaafaan. Kawaran marka aad subaxii la kulanto saaxiibadaa oo ka sheekaynaya boqolaal dhacdo oo xalay ka dhacay kulamadii aad go’aansatay in aadan daawan .

Suarez aya xiddig garabka ka qaniinay! Maahee? Shinji Kagawa Timihii ayuu iska soo xiiray! Siduu u ekaaday markaas? maxd dee u daawan wayda?, Xalay Barcelona Cavanibaa Nafta Ka qabtay! Leo Goolkii xilli ciyaareedka ayuu PSG ka xareeyay! Markiiba Youtube ku carar. Intaas oo dhan miyaad seegi kartaa . waar garooonka ina gee.

1-MSN

 

Villarreal CF v FC Barcelona - La Liga

Ma dafiri kartid in saddexdaan nin ay yihiin lamaanaha weerar ee ugu wanaagsan inta wakhti xaadirkaan ka dhesha kubada Cagta Ma aha farriin qoraaleed balse waa Messi Suarez iyo Neymar , waa afka ay kooxda Barcelona wax ku qaniinto waxa ay garoonka caawa kasoo bandhigayaana ma doonaysid inay ku dhaafaan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. fahad says:

    somaliyaa aqriso waxi kaa anfaco bas kaqaado maxaa hadal badan qoorta kuu gali waxadan rabin cid kugu qasbi karto malahn lkn waxaa doqon nimaa inaa qof shaqadisa aad ku ceso adoo talo lagaa weydiin doqonimada iska dhafa walalayaal

  2. xuthayfa says:

    walaal waxaa wanagsan in aad ilaahay ka cabsootid sababtoo ah anagu hadaanu nahay dad muslimiin ah muusiga ma dhagaysano waana xaaraan markaa walaal waxaad ku hadashaa waxa rabigaa raagi galiya ama iska aamus

  3. maxamed xaamud says:

    WAAR KHAYR KU HADAL AMA ISKA AMUS WAXBA KU HADLI MAYSIDE




.




.




%d bloggers like this: