Yaya Toure Oo Iska Diiday Dalab Oo Uga Yimid Horyaalka China Super League

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ninka reer Ivory Coast ee lagu magacaabo Yaya Toure ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday dalab uga yimid horyaalka China Super League kaasi oo beryahan danbe aad uga dukaamaysta horyaalada yurub.

Wakiilka Yaya Toure ninka lagu magacaabo Dimetri Seluk ayaa shaaciya in laacibku iska diiday dalab ka qaalisan oo ka wey  kii uu Axel Witsel ku aaday horyaalka China Super League.

Wakiil Seluk oo la hadlaya jaraa’idka kasoo haxa ruushka ee Championat ayaa yiri, “Xaqiiqatan Witsel kuma raacib arintaasi, lacagtaasi oo kale waad iska dayn kartaa waxaa muhiim ah maskaxda ciyaartoyga. Waxaa jira dadka qaar jecel lacag iyo qaar jecel kubad”

 

Wakiilka oo hadalkiisa sii qata ayaa yiri, “Dhamaan lacagaha ay China kharsh garaynayaan, majiro xidig oo Yaya Toure heerkiida ah. Waan hubaa wuxuu u ciyaari doonaa heerka ugu sareeya ugu yaraan shan sano oo.kale”

 

Hadalka wakiilka ayaa loo fahmay inay jiraan dalabyo ka imaanaya xaga China oo lacagobadan u ballan qaaday xidiga balse uu isaga maskaxiyan doortay inuu kubad ciyaaro halka uu lacag u doonan lahaa China.

Si kastaba ha ahaatee Yaya Toure ayaa xilli ciyaareedkan aad ugu dhibtooday inuu qanciyo macallin Pep Guardiola kadib markii uu macallinka reer Spain si axmaqnimo ah ula dhaqmay ruug cadaaga reer Ivory Coast balse bilahan u danbeeyay ayuu xidigu qeyb ka noqday kooxda 1aad ee Man city wuxuuna marar badan kusoo bilowday safka kooxda isaga oo natiijooyin badan ka caawiyay.

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. lalana says:

    yaya walalkeyna saliimka ah waa duqowday ee man cty waqti haisaga lumin koox maha man cty watii yaya kadoraty pepe poes dheh nacalatulaah caleyk war niyohow lacagta doono teem is kaash mar waxaan ku dhihi lahaaa cty yarey wexey kufcdahay pepe ee waqti hasiin ee kadaneyso waa hubaal iyaga ayaaa ku tabi dona mahane adiga inaadan tebeeen anaaa og




.

.