Yaab!: Sidee Ayuu Cristiano Ronaldo Uga Hor Istaagtay Saaxiibkiis James Rodriguez Inuu U Wareego Kooxda Chelsea.

Saxaafada kasoo baxda dalka Colombia ee Confedential Colombia ayaa saaka qortay maqaal ay kaga sheekeynayso sida xiddiga qarankooda ee James Rodriguez uu isaga diiday dalabkii kooxda Premier League e Chelsea.

Kadib markii uu dhibane u noqday kursiga kaydka ee macallin Zidane xiddigaan ayay mustaqbalkiisa murano badan hadheeyeen waxaana inbadan la sheegayey inuu u wareegi doono kooxda Caasimada ee London balse ugu danbayn ayuu xiddigaani cadeeyay inuu mudo badan sii joogi doono kooxdiisa Madrid.

James Rodriguez & Cristiano Ronaldo

Hadaba sidee ayay wax u dhaceen maxanaa xiddigaan ka hor istaagay inuu ku biiro koox usoo ban dhigtay mushahar ka badan kiisa haatan?

Sida uu sheegay tafatiraha wergeyskaas kasoo baxa dalkaas Koonkur Ameerica; xiddiga dhowaan ku guulaystay abaal marinta ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa 2016 ee Ronaldo ayaa noqday shakhsiga kalsoonida ugu weyn geliyay 25 jirkaan laatiinka ah isagoona saaxiibkiisa kula taliyey inuu kusii nagaado Bernabeu.

Colombian press claim James Rodriguez rejected Chelsea bid after Cristiano Ronaldos advice

Ronaldo ayaa u sheegay James inuu awoodiisa kubadeed iyo xirfadiisu ay u sahli karto inuu mar labaad kusoo laabto safka koowaad ee kooxda balse looga baahan yahay dadaal.

Xidigaan ayaa kulankii lugtii h-re ee kooxdiisu ka badisay Sevilla ahaa xiddigii garoonka isagoona kooxdiisa 2 gool u dhaliyey isla markaana hal lug usii geliyay wareega xiga ee Copa Del Rey.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: