Tuesday 21 November, 2017

Yaab!: FIFA Xalay Maadaysi Miyay Waday Mise Abaalmarino Ayay Bixinaysay, Cid Walba Oo Xaflada Joogtay Ayaa Qososhay+Sawir.

Waxaa Xalay Magaala madaxda zSwitzerland ee Zurich si habsami leh ugu soo gabagabowday xafladii abaalmarineed sannadeedka iyadoona xafladaas lagu maamuusayey shaksiyaadkii iyo kooxihii muujiyay qaab ciyaareedka wanaagsan .

Ronaldo, Renieri ayaa ahaa xiddigii iyo sannakii ina dhaafay ahaana magacyada iyo abaal marinada ugu waaweyn ee la xusi karo halka goolkii ugu quruxda badnaa [M. Faiz Subri ] iyo abaal marinta taageerayaasha [Liverpool Borussia] ay ahaayeen abaal marino aan la hilmaami karin.

Hadaba intii aan la bixin abaal marinahaas ayay FIFA ku dhawaaqday shaxdii ugu wanaagsanayd sannadka taas oo ay u bixisay FIFPro XI taas oo ay soo buuxiyaan 11-kii xiddig ee ugu wax qabadka wanaagsanaa sanndkaas. waxaana sannadkaan nasiib u helay xiddigo u badan kooxaha Real Madrid.

Intii ay socotay ku dhawaaqista xiddigahaasi waxa marba soo baxaayey sawirada xiddigaha isla markaas la magacaabay waxaase ay markeliya sawaxanku iyo qosolku isla kacay kadib markii ay FIFA soo qaadatay sawir Qosol leh oo uu leeyahay weeraryahanka kooxda Barcelona Lusi Suarez.

hjh

Qof walba ayaa qoslay markii uu sawirka Suarez shaashada kasoo muuqday kaas oo dadka qaara ay u arkayeen bahdilaad ku socota xiddigaan halka qaarkoodna ay u arkayeen keliya maad .

Hadaba akhriste adigu hadii aad tahay taageerer kooxda Barcelona ah sidee ayay kula tahay dhacdadaan adigoo aan illaawayn in kooxda Barcelona ay gebi ahaanba xalay xafladaan ka maqnaayeen?

Share on Facebook

Comments

comments

One Response to "Yaab!: FIFA Xalay Maadaysi Miyay Waday Mise Abaalmarino Ayay Bixinaysay, Cid Walba Oo Xaflada Joogtay Ayaa Qososhay+Sawir."

  1. #moha Frah says:

    Suares Uma Qalmin Runtii In Lagu Daro shaxda Aduunka Waayo waxa jirey Playero Ka wax qabad wangsana Sida wiilka Hda Dunidan u shidan Thy Ee Grizman
    mrka wxaan u arkaa BahdilaaD lagu Bahdilayo
    micneheeduna Tahay Waa BAHAL

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: