XOG: Neymar & Pogba Oo La Ogaaday Inaysan Kamid Ahayn Ciyaartooyda Loo Magacaabay Kooxda Sanadka Ee 2016, Balse Real Lama Qabankaro,,

Waxaa si hordhac ah loo ogaaday kooxda sanadka ugu wanaagsan ee 2016 ,waxaana laga waayey Weeraryahanka kooxda Barceloa Neymar iyo ciyaaryahanka ugu qaalisan kubada cagta ee Paulo Pogba kuwaasi oo shaxdaan kasoo muuqdeen sanadkii lasoo dhaafay.

Kooxda Real Madrid ayaa shaxdaan ku yeelatay ciyaaryahano badan waxaana kooxda cadcadka ay ku leedahay shaxdaan shan ciyaaryano.

Cristiano Ronaldo oo loo saadaalinayo abaalmarintaan ayaa kamid ah xidigaha kasoo muuqday FIFA ProX, sidoo kale Modric, Ramos , Kross & Marcelo ayaa dhamaantooda ku jiraan.

Sidoo kale waxaa shaxdaan  kasoo muuqdeen xidigaha tartamada sida Lionel Messi iyo Antonio Griezman.

Goolhaayaha kooxda Juventus ayey saadaashu sheegeysaa inuu qabandoono goosha, balse waxaan wali si rasmi ah loosoo saarin bilada.

Abaalmarintaan waxaa codeeynaya bahda ciyaaraha ee ku nool daafaha caalamka,waxaana ay sameeyaan 69 wadan ayaa si gaar ah kaga qeeybgasha ,balse hada waa lasoo koobay kadib markii codeeyntii sanadii lasoo dhaafay wax badan la helay.

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: