Xiddiga Holaca Ku Noqday Liverpool Ee Sadio Mane Oo Daaha Ka Qaaday Sababta Ka Danbaysa Inuu Guulayste Ka Noqdo Anfield Stadium.

Garabka duula ee kooxda Liverpoo Sadio Mane ayaa durtaba noqday sakhsi laga jecelyahay garoonka uu xagaagii dhowaa kusoo biray ee Anfield kadib qaab ciyaareed indha sarcaad ah waxaana u ninkani daaha ka qaaday sababta ka danbaysa guushiisa Anfield.

FBL-ENG-PR-SUNDERLAND-LIVERPOOL

Xiddigaan ayaa si qiiro leh uga warramay dhiiri gelinta uu helo marka uu maqlo taageerayaasha Liverpool oo magaciisa ku heesaya midaasina ay tahay sababta ka danbaysa inuu degenaasha ku dareemo Anfield.

“Hadda wax kastaaba waxa ay noogu socdaan si wanagsan, taageerayasah iyo ciyaartoydaba ,, ma jiro dhiiri galin igala weyn inaan ka ciyaaro Anfield iyo inaan maqlo taageerayaasha oo magacayga ku heesaya” ayuu Mane u sheegay France Football”

Dhanka kale Sadio Mane ayaa ka sheekeeyay sababta uu macallin Klopp shakhsiyan iyo koox ahaanba uu ciyaartoydiisa u dhiiri geliyo waxaana uu yidhi..

“Waan ku raaaxaystaa inaan qaato timaamaha uu bixinayo macallin sida Klopp oo kale ah, waxa uu ku fiican yahay sida ciyaartoyda loo tuso sida ay kusoo bandhigi lahaayeen twaxqabadkooda ugu wanaagsan, waxa uu qof walba u shega sida loogu wada shaqeeyo koox ahaan, aad ayuu ugu dhow yahay Ciyaartoyda waana uu na jecel yahay dhamaantayana waan tix gelinaa hadaladiisa ” ayuu xiddigaani kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Sadio Mane ayaa imika la maqan saaxiibadiisa qaranka Senegal halkaas oo ay kaga qayb galayaan koobka qaramada Africa oo ka furmaya waddanka Gabon.

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.