MSN Oo Kala Jabeysa ,Xiddig Muhiim Ah Ayaa U Muuqda In Uu Ka Tagayo Barcelona

Waxa taageerayaasha kooxda Barcelona dareen badan galiyay heshiis kordhinta xiddigooda reer Argentine ee Lione Messi marka loo eego in heshiiska xiddigani kula jiro kooxda Barcelona uu ku dhowyahay in uu dhamaado iyada oo aan wali wax heshiis ah laga gaarin in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Sida laga soo xiganayo wakiilka suuqa kala iibsiga kooxda Barcelona ee Oscar Gay xiddigan ayaa qarka u saaran in uu ka huleelo kooxda Barcelona marka loo eego in xiddigan wali ku dhagan yahay in uu kooxda ka helo mushahar qaali ah oo aanay maamulka kooxdu awoodin in ay bixiyaan.

Oscar oo la hadlaya wargayska ka soo baxa dalka England ee The Sun ayaa Yiri”anagu run ahaantii waxan doonaynaa joogitaanka Lionel anaga oo sidoo kale jecel in aan heshiis cusub ka saxiixano isaga laakiin waxan suura gal ahayn in maamulku ogolaado mushaharka uu dalbanayo xiddigani”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”xalka kaliya ee na hor yaala ayaa ah in mushaharka loo kordhiyo waxanan u balan qaadayaa taageerayaasha kooxda in aan samayn doono wax kasta oo aan ku haysan doono xiddiga ugu fiican adduunka anaga oo isticmaalayna caqligayaga”

Waxa xusid mudan in xiddigan aad loola xiriirinayay kooxda Man-city oo uu haatan laylyo tababarihiisii hore ee Pep Guardiola”

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: