Waxuu Daah Saarnaadaba Xaqiiqada Waxa Ku Caddeeyay Samir Nasri!! ” Sababtaan Awgeed Ayaysan Arsenal Horyaalka Ugu Guulaysan Tan Iyo 2004-tii”.

Xiddigii h-re ee kooxaha Arsenal iyo Manchester City balse haatan amaahda ugu jooga kooxda Reer Spain ee Sevilla Samir Nasri ayaa sheegay sababta aysan kooxdiisi h-re ee Arsenal aysan horyaalka ugu guulaysan tan iyo 2004-tii.

Xiddigaan ayaa sidoo kale sheegay inuu mar walba la xidhiidho macallinkiisi h-re ee Arsene Wenger isagoona sheegay inuu si dhow ula socdo xaalada garoonkii uu kuso barbaaray ee Emirates.

Arsenal were never willing to make this sacrifice for trophies, reveals former star

Si kastaba Samir Nasri ayaa ku cadeeyay isla markaana kashifay sababta dhabta ah ee aysan kooxda Arsenal horyaalka ugu guulaysan mudoo 12 sano ah ku sheegay in koxdani aysan gelin tartan rasmi ah sida kooxaha kalena aysan xooga saarin tartankooda.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Sidoo kale 29 jirkaan ayaa sheeagy in maamulka iyo mulkiilayaasha kooxdu ay keliya ka fekeri jireen dhaqaalahooda isla markaana

“Ma Garan karo , ma garan karo sababta aysan u tartamin mar kasta” Nasri ayaa sidaas u sheegay Onze Mondial.

“Waa inaan xisaabta ku darsanna xataa markii aan ku sugnaa Emirates.Uma aanaan dagaalamayn sida ay samaynayeen kooxaha Chelsea iyo Manchetser United”

Nasri oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” Arsenal waxay go’aansatay inay u guurto Emirates Stadium kaasna waa garoon wax kasta dartii loogu guulaysto”

“Mulkilayaasha kooxdu waxa ay weligood dooni jireen in dhaqaalahoodu uu noqdo mid caafimaad qaba, weligood ma aysan dooni jirin inaan tartanno sidaas awgeed weligood uma aysan weligood wax cusub lama aysan iman jirin”

Hadalkaan ayaa soo yeedhay kadib markii kooxda Arsenal ay noqotay kooxda ugu badan ee akoonkeeda bangiga ku haysata kaashka ugu badan marka la barbar dhigo kooxaha kale ee horyalka balse aanay awood u lahayn inay qarashaad baaxad leh ku bixiyaan ciyaartoy waaweyn.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: