Wax Waliba Oo Aad Ugu Baahantahay Inaad Ka Ogaatid Abaalmarinta FIFA Best Footbal 2016, Saacada , Goobta & Tartamiyaasha

Caawa ayaa la bixindoonaa abaalmarinta ciyaaryayahka ugu wanaagsan ee aduunka FIFA Football Award, waxaana ay xafladaasi ka dheceeysa Magalaada Zurich , waxaana kazoo qeeyb gelidoonaa halyeyo aad u badan.

FIFA ayaa lix sano kadib soo gaba gebeeysey xiriirkii kala dhexeeyey France Football Mogazine oo hada iyana bilowday inay si gaar ah u bixiso Bollon d’or-ka ,waxaana k guuleeystay Ronaldo.

Kooxda.com ayaa kusoo gudbineysa wax waliba oo ku saabsan abaalmarinta caawa la bixindoono.

 

Yaa La Abaalmarindoonaa?

Cristiano Ronaldo, Antoine Griezmann y Leo Messi, finalistas al FIFA The Best 2016.

Ciyaaryahanka ugu wanaagsan 2016 dhanka raga waxaa u tartamidoona Cristiano Ronaldo, Antoine Griezmann and Lionel Messi)

Ciyaaryahanka ugu wanaagsan dhanka dumarka waxaa u dagaalamidoonaan Melanie Behringer, Carli Lloyd and Marta)

MAcalinka ugu wanaagsan ee 2016 waxaana ku tartamaya Claudio Ranieri, Fernando Santos and Zinedine Zidane)

Macalinka ugu wanaagsan ee dhanka dumarka waxaa u tartamayaan : Jill Ellis, Silvia Neid and Pia Sundhage)

Abaalmarinta goolka ugu fiican 2016 waxaa isku heeysta Marlone, Daniuska Rodriguez and Mohd Faiz Subri)

Abaalmarinta ciyaar wanaaga ayaa la bixindoonaa.

Abaalmarinta taageeriyaasha , waxana sharaxan ADO Den Haag supporters, Borussia Dortmund-Liverpool supporters and Iceland supporters)

Immisa Saac ayaa La Daawandoonaa Xaflada.

Xaflada lagu bixindoono abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan 2016 waxaa ay si toos u bilaabaneysaa caawa saacada dhankeeda ama geeska Africa ay tahay 8;30.

Waxaa macquul in xaflada lasoo gaba gabeeyo 10:30.

Yaa codeeyndoona ?

Waxaa u codeeyndoonaa guuleeystaha sanadka , rag iyo dumar ku tartamayaan, acalinka sanadka, waxaana 50% lagu go’aamiyaa codeeynta kabtanada, 25% Macalimiinta, 25% dhamaan xululka aduunka , 50% dhanka Onlinke ayaa sidoo kale loo fiirinaya.

Codeeynta waxaa ay bilaabatay 4 November waxaana ay dhamaaatay  22 November 2016.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Wax Waliba Oo Aad Ugu Baahantahay Inaad Ka Ogaatid Abaalmarinta FIFA Best Footbal 2016, Saacada , Goobta & Tartamiyaasha

Halkaan Ku Qor Fikirkaada