Warbixin Dhamaystirin: Macalinkii Ugu Fiicnaa, Goolkii Ugu Fiicnaa, Gabartii Ugu Fiicnayd, Xiddigii Ugu Fiicnaa, Shaxdii Ugu Fiicnayd, Iyo Dhamaan Abaalmarinihii Caawa La Bixiyey Oo Dhamaystiran.

Xiili h-e oo maqribkii ah ayeey ahayd markii Kooxda.com idiin soo gudbisay warbixin kasta oo ku saabsanayd abaalmarihii caawa bixisay FIFA oo la kala dafay.

Warbixintaan waxaan ku eegi doonaa iyadoo jamac ah, yacni dhamaystiran, si aqristayaasheena iyagoo dhan isugu helaan.

Aan Ku Biloowno.

Markii ugu horaysay Waxaa la magcaabay 11 ciyaaryahan ee ugu wanaagsan sanadka 2016,waxaana kasoo muuqdeen xidigo waa weeyn waxaana kamid ah.

Real Madid ayaa ku yeelatay shaxda ugu badan, balse dhamaan ciyaartooyda Barcelona waa ay seegeen.

Shaxda Oo Dhamaystiran:

Goolhaaye: Nuer.

Daafac; Dani Alves, Pique, Marcelo, Ramos.

Khadka dhexe: Toni Kross , Modric, Iniesta.

Weerar: Messi, Suarez, Cristiano Ronaldo

Taageerayaasha Kooxaha Liverpool iyo Dortmund ayaa abaalmarintaan dhex-da ku kala dhufsaday oo qaybsaday!

Abaamarintaan ayaa markii ugu horreeysey la bixiyey waxaa ay ahayd abaalmarin cusub oo lagu soo kordhiyey kubada cagta waxaana la abaalmarinayaa taageeriyaasha kubada cagta.

Liverpool & Broussia Dortmund ayaa si wada jir ah u tartamayeen kadib markii ay si wadajir u qaaday labadaasi taageere waxaana ay wada qaadeen heesta You Will Never Walk Alone, waxayna sidaas ugu guulaysteen taageerayaasha caalamka ugu xamaasada badan sanadkii tagay!!

Sidoo kale taageeriyaasha kooxda Iceland ayaa qeeyb ka ahaayeen maadaama ay xulkooda ka caawiyeen inay garaacaan Engaldn ciyaarihii Euro 2016.

Xaga dumarka macalinkii ugu wanaagsanaa xagaas iyo Berlin ayaa loola kacay!

MAcalimada ugu wanaagsan ee sanadka 2016 ayaa loo doortay Silvia Neid! waana macalimada hogaamineysey xulka Germany,waxaana ay ahayd markii 3aad ee abaalmarintaan ay ku guuleeysato.

Silvia Neid! ayaa la tartamayeen dhowr macalin waxaana sidoo kale shaqsiyaadka ay kaqaaday kamid ahaa Pia Sundhage)  oo ay qeyb ka ahaayen abaalmarintaan.

Silvia waa loo saadaalinayey abaaalmarintaan waxaana ay horrey u qaaday 2010 iyo 2013 waana markii seddexaad abaalmarintaan ay hanato.

kooxda reer Brazil ee Atletico Nationale ayaa loo magaacabay ama lasiiyey abaalmarintii FIFA Fair Play, waxaana lagu siiyey kadib markii ay qaab wanaagsan ula macaamileen Chopcens oo ah koox ay ciyaaryahano ku geeriyoodeen.

 Waxaana kooxda reer Brazil oo ka qeeyb geli rabta koob caalami ah ayaa bishii November ciyaartooydooda diyaaradii la bur brtay waxaana kooxdaasi kadib ay lugaha lagashay musiibo.

Waxaana kooxda reer Brazil oo ka qeeyb geli rabta koob caalami ah ayaa bishii November ciyaartooydooda diyaaradii la bur brtay waxaana kooxdaasi kadib ay lugaha lagashay musiibo.

Kooxda dawacooyinkii mucjisadoodii Premier League ee sanadkii h-e waxaa u qaatay Claudio Rinieri oo xafladaan abaalmarin wayn kala tagay!

Macalinka kooxda Leicester City ayaa ku guulaystay macalinkii raga ee ugu fiicnaa sanadkii 2016 abaalmarinta FIFA.

Rinieri ayaa si la yaab leh snaadki h-e kooxda yar ee Foxes u qaaday horyaalka Premier Lreague oo uu abaalmarintaan ku helay, waxana uu caalamka tusay inaysan lacag waxba shaqyan oo keliya qibrad iyo isfahan ay wax walba tahay.

Waxaa la tartamayey abaalmarintaan Zidane oo hogaamiya kooxda Real Madrid iyo Fernando Santos oo ah hogaamiyaha xulka Portugal.

Carabta kama maqnayd oo wiil ka mid ah ayaa abaalamarin wayn u qaaaday!

Waxaa kale oo la bixiyey abaalmrnta goolka ugu wanaagsan ee 2016,waxaana lasiiyey ciyaaryahanka lagu magacaabo Mohd Faiz Subri kaasi oo bulisiyoon “Free Kick” cajiib ah dhaliyey.

Mohd Faiz Subri ayaa abaamarintaan waxaa kula tartamayey Morlan oo ah ciyaaryahan u dhashay wadanka Brazil iyo gabadha lagu magacaabo Daniuska Rodriguez.

Reero France waxay dhaheen, mindhaa kama harno maxaa naga reebay anaga!!

Kabtanka xulka France gabadha lugu magacaabo Carli Loyd ayaa loo magacaabay gabadhii ugu fiicnayd sanadkii tagay 2016 ee gabdhaha ku xamaasha kubadda cagta.

 

Ugu damnbayn qosolkii ugu dambeeyey waxaa iska lahaa dheemanka gaduudan ee kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal ee C.ronaldo kaas oo markale abaalmarin kale ku garaacay dhigiisa Lionel Messi oo sanadkaan buulal iyo guryo dushiisa laga dhistay.Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleeystay abaalmarinta FIFA Football Player, waxaana xidigaan uu wax ka qabsaday ubada cagta sanadkii dhamaaday ee 2016.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa wax badan loo saadaalinayey abaalmarintaan waxaana ay tahay maalin weeyn maadaama uu garaacay ciyaaryahanka ay said aadka u xifaaltamaan ee Lionel Messi.

Cristiano Ronaldo ayaa xulka Portugal markii ugu horreeysey u qaaday koob muhiim ah waana Euro 2016, waxaa uu sidoo kale ku guuleeystay Champions League.

Dunida oo dhan ayaa saadaalineysey in Ronaldo uu abaalmarintaan hanankarey,waxaa sheekadaan la ogaadeyba markii Messi uu seegay xaflada.

Bishii lasoo dhaafay dhamaadkeeda ayuu Cristiano Ronaldo ku guuleeystay abaalmarinta Ballon d’Or-ka ee ay bixisay Football Magazine.

Ugu dambeeyn ciyaaryahanka kooxda Real Madrid ayaa noqday xidigii ugu horreeyey ee abaalmarintaan ku guuleeystay kadib markii ay kala go’een FIFA iyo France football lix sano kadib.

Sheekada ugu dambaysa oo aan qoraalkeen kusoo afjarayno ayaa ah “waan ka xumahay inay maqnaadaan xaflada cawa iyaga, laakiin xaqiiqatan waan garanayaa sababta ay u diideen inay soo xaadiraan, alaha FIFA ayaa ku dhegen oo ay is hayaan, sadaas darteed u diideen inay soo xaadiraan, ma garan karo wixii intaas dhaafsiisan” ayaa laga hayaa C.ronaldo oo sharaxayey sababtii ciidankii Catalooniya ugu gambiyeen oo barkintooda uga dheeraysteen xafladaan

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: