WARARKA SUUQA LIVE: Wali Lama Soo Bandhigin Balse Everton Waxay Damacsantahay In Morgan Schneiderlin Uu Wajaho Manchester City

Kooxda wadanka England ee Everton ayaa dooneysa inay ku dadaasho sidii ay ku heli lahayd warqada aqoonsiga ee ay ku shaqaaleeysiin lahaayeen ciyaaryahanka ala hadal haayo inay ka lasoo wareegeen kooxda MAnchester United .

Morgan Schneiderlin ayaa ah shaqsiga ugu hadal heeynta bada suuqa kala iibsiga ciyaartooyda waxaana kooxda Everton ay damacsantahay in xidigaan ay safto kulanka Manchester City.

Maanta waa maalintii ugu dambeeysey oo la arkilahaa xidigaan oo ku biiraya kooxda Everton waxaase macquul in wax iska bedelaan iibkiisa.

Ciyaaryahankaan ayaa hada laga xaqiijiyey dhanka United inuu kooxda isga tagay sidoo kale waxaa shaley gelinkii dambe lasoo sawiray isaga oo kusii jeeda inuu tijaabo caafimaad u maro kooxda Everton.

Sidaasi darteeda kooxda Everton oo City la dheeelidoonta ayaa damcsan in ciyaaryahankaan ay ka horgeeyaan kooxda Pep Guardiola.

Ilaa iyo maalinta berito ayey Eveton fursad heeysataa haddii xidigaan ku dhawaaqaan heshiiskiisa gelinka dambe ee berito waxaa macquul ah inay kulanaasi waaayaan.

Comments

comments

Leave a Reply