WARARKA SUUQA LIVE: Koox Cusub Oo Kusoo Biirtay Baacsashada Loogu Jiro Flop-ka MAnchester United Memphis Depay

Bishaan January wax badan ayaa loo filanayey in Manchester United ay ciyaaryahano iska diridoonto waxaana kooxda hada kusoo badanayaa dalabyada loosoo gudbinayo iyadoo xaley uu Mourinho xaqiijiyey in la fasaxay Morgan.

Sidoo kale Depay waa ciyaaryahan kale kaasi oo aan la hubin noloshiisa Old Trafford waxaana ay u badantahay in ciyaaryahankaan shaqsiyad ahaantiisa laga diridoono kooxda MAnchester United.

Everton, West Ham United, Koodiisa horre iyo kuwa kale ayaa xidigaan baadi goobayeen waxaana dhamaantooda loo sheegay qiimaha xidigaan ay ku helikaraan.

Sidoo kale Mourinho waxaa uu shuruud ka dhigay in Depay la safidoono waa haddii uu si rasmi ah u xaqiijiyo inuu kooxda sii joogayo.

Balse Metro waxaa ay hada warineysaa in kooxda Lyon ee wadanka France kusoo biirtay loolanka loogu jiro ciyaaryankaan reer Holland waxaana ay wadahadalo la bilowday kooxda MAnchester United.

22-sano jirkaan ayaa loo arkay inuu noqonkaray ciyaaryahan buuxinkara booska Cristiano Ronaldo maxaa yeelay markii lasoo iibsanayey waxaa lagu iibsaday inay isku qaab ciyaareed egyihiin Ronaldo , laakiin sida la arkay United ayaaba ku adkaandoonta inay helaan Ronaldo.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: