WARARKA SUUQ LIVE: Mid Kamid Ah Ciyaartooyga Laga Necebyahay Garoonka Old Trafford Oo Laga Saxiixidoono Heshiis Cusub

Kooxda MAnchester United ayaa damacsan in heshiis cusub ay ka saxiixto mid kamid ah xidigeheeda muhiimka kaasi oo aaad ay u necebyihiin taageeriyaasha kooxda Red Devils.

Jose Mourinho ayaa qorsheeynaya inuu heshiis cusub ka saxiixo ciyaaryahanka reer Belgiam ee kooxdaasi ku sugan kaasi oo lagu magacaabo Maroan Fellani.

Fellani waxaa uu kamid noqday ciyaaryahanka ay sida aadka u necebyihiin taageeriyaasha Manchester United balse Jose Mourinho ayaa xidigaan damacsan inuu kooxda kusii haayo.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Sidoo kale sababta ay Manchester United xidigaan heshiiska ugu saxiixayaan ayaa ah inuu ka ciyaaro booska khadka dhexe maadaama kooxda ay iska iibsisay ciyaaryahan Schienederlin.

The Sun ayaa warineysa in ciyaaryahankii hrree ee kooxda Everton lala damacsanyahay inuu booskaasi ilaaliyo, sababtoo ah waxaa loo arka xidig muhiim ah.

Michale Carrik ayaa ku sugan kooxda Red Devils balse xidiga reer England ayaa laga dareemayaa inuu yahay xidig da’ ah , balse hada waa ay ku qanacsanyihiin taageeriyaasha United.

Ilaa iyo hada lama shaacin xilliga rasmiga e heshiiskaan la kordhindoon waxaana kooxda Manchester United la fahansanyahay inay heshiis cusub ka saxiixidoonto Fellani.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: