War Kale: Kooxda Chelsea Oo Lala Xiriirin Wiilkii Arsenal Loo Diiday Ee Kostas Monalas

Daafaca kooxda Roma ee Kostas Monalas ayaa lala xiriiriyay kooxda Arsenal balse wakiilka xidiga ayaa xaqiijiyay in kooxda Chelsea ay iyagana xiiseynayaan saxiixa xidigan.

Waxa sidoo kale jiray warar soo baxay oo sheegayay in kooxaha Innlter Milan, Arsenal iyo Chelsea ay dhamaantood ku loolamayaan saxiixa daafacan tayada leh.

Manola ayaa ilaa iyo xagaagii horre bar tilmaameed u ahaa Kostal Monalas waxaana la sheegay in Kooxda Roma ku gacan seyrtay dalabaad laga so gudbiyay xagaagii horre balse waxaa sidoo kale la sheegayaa in loolanka ay xagaagii iyaduna ku jirtay kooxda Man United ee uu maamulo tababare Jose Mourinho.

Wakiilja xidiga oo lagu magacaabo oo wareysi siiyah Tuttomercatoweb.com ayaa sheegay, “Kostas wuxuu rabaa inuu u dagaalamo funaanada Roma. Dhinaca cusboonaysiinta heshiiskiisa hada ma ogi, su’aashaasna kama jawabai karo. Lkn waxaan dhihi karaa wuxuu ku faraxsanyahay Roma”

 

Wakiilka oo la weydiiyay bal in Chelsea xidiga xiriir lasoo sameesay ayuu masuulju sheegay inuusan dafiri karin in kooxda Chelsea lasoo xiriirtay isla markaana uusan faallo ka dhiiban karin.

Sida ay qorayso Daily Express qorayso kooxda Chelsea ayaa qorsheynaysa inay kooxaha Arsenal iyo Manchester United kula loolamaan saxiixa Monalas.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: