Waa Kuma Xidiga Bedelidoona Cristiano Ronaldo & Lionel Messi? Diego Maradona Oo Bixiyey Jawaab Aan Gambasho Lahayn

Halyeeyga xulka Argentine Maradona ayaa wax laga weydiiyey kubada cagta xidiga ay lahaandoonto marka la waayo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Geesiga Argentine waxaa la sheegaa inta badan inuu dhaleeceeyo Lionel Messi kaasi oo wax badan xulka u qaaday ,waxaana mucjiasdii hrre eee kubada cagta Messi uu ku heeystaa inuusan Maradona waxba u qaban xuliisa.

Su’aasha ah yaa bedelidoona Messi iyo Ronaldo kubada cagta waxaa uu Maradona ku jawaabay inay jiraan ciyaaryahano bdan kuwaasi oo dhamaantooda u qalma booskaasi.

Balse xidiga reer Brazil ee u dheela kooxda Barcelona ee Neymar ayuu sheegay Maradona inuu la wareegidoono booska Messi iyo Ronaldo.

”Sida u dhaqsiyaha badan waxaan dhihilahaa Neymar, maxaa yeelay waa ciyaaryahan kale oo dabiici ah,” ayuu sheegay Maradona.

Xidiga reer Brazil ayaa hada bandhigiisa ugu xumaa ku qaadanaya garoonka Comp Nou , sidaasi darteeda Barcelona waxaa ay ka war qabtaa in wiilkeeda uu soo laabandoono.

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.