UEFA Oo Soo Saartay Warbixin Sannadeeda Musharaadka Ay Bixiyaan Horyaalada Europe Iyo PL Oo Bixiya In Ka Badan Libanlaab Musharaadka Horyaalka Kusoo Xiga.

Warbixintii ugu danbaysay e ay soo saarto UEFA ee ka warramaysay musharaadka ayaa daaha ka qaaday in horyaalka Billionare-ka ah ee Premier League uu yahay kan ay kooxihiisu bixiyaan mushaharaadka ugu badan isagoo qadar libanlab ka badan dheer mushaharaadka uu bixiyo horyaalka kaalinta 2aad kusoo jira ee Serie A.

Horylaaka Premeir League ayaa bixinayey lacag dhan €2.69 billion tan iyo 2015-kii iyadoona celcelis ahaan ay kooxaha Premier League bixiyaan lacag gaadhaysa €134.5m,.

Horyaalka kaalinta labaad ee Serie A ayaa bixinaayey sannadkiiba lacag dhan €1.309bn koxuhuna ay celcelis ahaan u bixinayeen €65.5m kooxdiiba wanaa markii u horraysay ee horyaalka kaalinta koowaad ee uu in ka badan libanlaab ka sareeyo horyaalka kaalinta 2-aad.

Horyaalka Dalka  Germany ee  Bundesliga ayaa kaalinta saddexaad ku jira isla markaasna sannadkii bixiya €1.251bn isagoona celcelisa ahaan kooxdiiba ay bixiso  €69.5m waxaana uu dhanka celceliska kasoo galay kaalinta 2-aad.

Dhanka kooxaha Kooxda Barcelona ayay UEFA ku tilmaamtay inay tahay kooxda bixisa musharaadka ugu badan marka la barbardhigo kooxaha kale ee dunida waxaana ay ciyartoydeeda siisaa lacago dhan €340m waxaana kaalinta labaad soo galay kooxda ay Clasico ku xafiiltamaan ee Real Madrid taas oo iyadu xiddigaheeda ku biilisa €289m.

Chelsea, waa kaalinta saddexaad sidoo kale kooxda bixisa mushaharaadka ugu badan marka la sheegayo kooxaha ingiriiska ee Premier League waxay na bixisaa  €284m , waxa kusoo xigta kooxda Manchester City oo €276m bixisa sannadkii Manchester United bixisa €266m sannadki.

Kooxda maalqabeenada carbeed ee Paris Saint-Germain ayaa saandkii iyana ciyaartoydeeda ku biilisa €255m ,Arsenal-na €250m sannadkii sidoo kalena Bayern Munich (€236m), Liverpool (€216m) iyo Juventus (€198m) ayaa sidaas kusoo buuxiya kalmaha 10-ka sare

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: