Terry, Benteke, Llorente, Antonio, Kjaer, Sanchez, Ozil, Depay, Klopp Iyo Dhamaan Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Kala Iibsiga Subaxnimadaan Oo Arbaco Ah

Subax wanaagsan ehelka sida rasmiga ah ugu xiran shabkadaan ciyaaraha ka falaaqoota ee Kooxda.com, waxaan diyaar iyo gacan fudayd dhaqso ah ula nahay inaan idiin soo gudbino wararkii ugu dambeeyey suuqa kala iibsiga subaxanimaadan oo Arbaco Ah.

Ciidanka Kooxda.com way soo turjameen keliya, laakiin gebi ahaanba ma qaadi doonaan mas’uuliyada wararkaan, waxaana qaadi doona wargaysyada ku qoran…..

*Kooxda Bourtnemouth ayaa maanka ku haysa inay heshiis amaah ah ugu dhaqaaqdi saxiixa 36 sano jirka daafaca Chelsea ee John Terry. (Daily Telegraph)

*Macalinka kooxda Crytal Palace Sam Allardyce ayaa ku dhaqaaqi doona go’aan la yaab leh kaas oo ah inuu iska iibiyo weeraryahankiisa 26 sano jirka ah ee Christian Benteke, waxa uu doonaya in lacagta uu ka helo xiddiga kooxda ugu fadhiya 30-ka milyan ku dhisto kooxdiisa. (Daily Mirror)

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

*Antonio Conte ayaa doonayaa xiddiga kala kacsan ee West Ham ee Michail Antonio oo 26 snao jir ah iyo weliba weeraryahanka Swansea City ee Fernando Llorente, 31. (Daily Mail)

*Blues ayaa sidoo kale doonaysa 27 sano jirka daafaca uga ciyaara kooxda Fenerbahce waa wiilka lugu magacaabo Kjaer. (Gazzetta dello Sport, via Daily Express)

*Arsenal ayaa waxaa kusii kordhaya walaac kii ugu dambeeyey kaas oo ku aadan xiddigahooda Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez, oo 28 sano jiro ah iyadoo labadaan wiil aysan doonayn inay heshiis cusub u saxiixaan kooxda Wenger, waxayna qarka u saaran yihiin inay xagaaga dhaqaaqaan oo ay boorsooyinkooda ka qaataa waqooyiga London. (Daily Star)

*Daafaca Liverpool Mamadou Sakho ayaa xiisaynaya inuu u dhaqaaqo kooxda Southampton oo uu horay u raaco kana garab ciyaaro macalinka reer France ee Claude Puel, 26 sano jirkaan ayaa waxaa sidoo kale xiisaynaysa kooxda Swansea City. (Times)

*Paris St-Germain ayaa u ogolaan doonta Jese Rodriguez oo 23 sano jiro ah iyo kubad joojiyaha Grzegorz Krychowiak inay kooxda kaga tagaan keliya 55 milyan, waxana ay xiiso ka helayaan kooxo faro badan oo kala ah Arsenal, Liverpool, Manchester City iyo West Ham.(Sun)

*Lyon ayaa wada hadalo la biloowday kooxda Man United oo ku aadan xiddigooda garabka ka ciyaara ee Memphis Depay, 22 sano jirkaan ayaa waxa uu ku raaxaynsaya kursiga kaydka Man United. (Foot Mercato, via Metro)

*Liverpool ayaa si dhow ula socota oo u qiimaynaysa xiddiga garabka kooxda Bayer Leverkusen ee Julian Brandt, iyadoona macalin Jurgen Klopp doonayo inuu xiddigaan heerka caalami ee xulka Jarmalka u dhaqaaqo xagaaga.(Daily Mirror)

*Klopp ayaa farta laga saaray aduun gaaraya 40 milyan oo uu bishaan janaayo suuqa ku geli doono, waxaana diirada u saaran 23 sano jirka garabka Arsenal ee Alex Oxlad-Chamberlain, iyo weraryahanka Milan ee Gabrial Barbosa oo 20 sano jir ah .(Sport Bild, via Daily Star)

Benteke

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. XUDEYFa SYL says:

    hhhh bhda koxda slmd dhmntn klaya ana chmprlin inte genynaa kaaas intu u keni lahaa wlh fursd ha I siyo shy ojo mida kle hdaan helno midkn germny e lvrkusen u dhelo way fcnan lhyd




.

%d bloggers like this: