Suuqa: Wax Kastaba Ha Ku Qaadatee, Kooxda Real Madrid Oo Bar Tilmaameedka Koowaad Ka Dhigatay Delle Ali

Kooxda Real Madrid ayaa xagaagan loo ogolyahay inay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka adeegan karaan kadib markii ganaax labo xilli ciyaareed ahaa oo suuqa looga soo rogay lagusoo koobay kaliya hal xilli ciyaareed.

Kooxda cadcadka Madrid ayaa lacagtooda u huri doona xagaagan inay kusoo xero galiyaan xidigo waaweyn oo magac kuleh qaarada yurub iyo horyaalada ugu waaweyn qaarada.

War sidaha Sunday Express ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ahmiyadeeda koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaaga siinayso xidiga Spurs ee Delle Ali halka Fottenham lafteeda ay ugu ballan qaadeen inay £50 Milyan gacanta ka saaraan.

Ali ayaa goolkiisii 12aad ee xilli ciyaareedka shalay dhaliyay kulankii ay kooxdiisa barbar dhaca 2:2 ah la gashay dhigooda Manchester City. Qaa ciyaareedka indha qabadka leh ee uu wiilka da’yarka ah soo ban dhigayo ayaa kaliftay inay kooxo badan oo qaarada yurub ka dhisan isku dagaalaan.

Wargeyska Express ayaa kusii adkaysanaya in kooxda Real Madrid ay u sahlanaan doonto afduubka xidigan kadib markii ay xiriir fiican ka samaysteen kooxda White Hart Line ku ciyaarta iyaga oo horayba uga afduubtay Gareth Bale iyo Luka Modric oo astaamo lagu hirto ka noqday Santiago Bernabue.

Si kastaba Real Madrid ayaa qorsheynaysa inay xidigo door ah kala wareegto horyaalka ingiriiska xagaaga inagu soo aadan waxaana bar tilmaameedyadeeda kamid ah Delle Ali, Thibaut Courtois, Eden Hazard iyo far walba oo tayo leh oo ka dhaqaaqda horyaal ku sheega ingiriiska ee laga dukaamaysto.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: