Suuqa: Wakhtigii Xaalufinta Liverpool! Hadaydaan Coutinho Keenayn Lallana Keena ! Kooxaha Europe Ugu Waawey Ayaa Isku Haysta Adam Lallana

Macallinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopo ayaa fahmay sidii uu xiddigiisa khadka dhexe ee Adam Lallana uga soo saari lahaa qaab ciyaareedkiisa ugu sarreeya isagooona xilli ciyaareedkaan ka dhigay mid saamayn aad u weyn ku leh koxdiisa iyo Qaranka Englandba.

Adam Lallana celebrates at Middlesbrough

28 jirkaan ayaa soo bandhigaaya qaab ciyaareed lagu raaxaysto isagoona ilaa haatan ah xiddiga ugu samaynta badan leh 5-ta horyaal ee ugu waaweyn Yurub marka laga hadlaayo xiddigaha khadka dhexe maadaama uu dhaliyey  7 gool halka uu baasay 7 kale.

Sababtaas Awgeed saddex ka mid ah kooxaha ugu waaweyn yurub ayaa xiddigaan ku darsaday liiska xiddigaha ay suuqa ka raadinayaan bishaan January iyagoona xiddigaan u dhaqaaqi doona hadi ay ku guul darraystaan saxiixyo ay bartilmaamedyada koowaad ka dhigteen.

Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa la shegayaa inay ku midaysnaayeen doonista xiddigaan balse hada ayay soo baxayaan warar kale oo xiddigaan la xidhiidhinaya kooxda reer France PSG . Balse The Times ayaa sheegtay in xiddigaan uu keliyaata yahay dookha labaad ee kooxahani beegsan doonaan hadii ay ku guul darraystaan dookhooda koowaad ee suuqa.

Image result for lallana and coutinho

Kooxaha PSG iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay Lallana u dhaqaaqi doonaan hadii ay ku guuldarraystaan doonistoda isla xiddiga kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho kaas ooo ay muddoyinkanba toosh ku dooanayeen warkaas ayaana u dhadhamaya sidii xaalufin oo kale.

Dhanka kale Adam Lallana ayaa noqday dookha labaad ee kooxda Marwada duqda ah ee Juventus waxana la sheegayaa in ay dalab ka gayn doonto hadii kooxdani ay ku guul darraysato doonisteeda xiddiga kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez.

Si kastaba qaabka ay wax u wadaan kooxaha Yurub isla markaana ay u beegsanayaan lamaanahan koxda Liverpool ayaa loo Micnayn karaa “Laba daran lagu doorransii”.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: