Suuqa: Raadaarka Antonio Conte Oo Qabtay Daafac U Ciyaara Kooxda Fenerbehce, £16 Milyan Ayay Miiska Saarayaan

Kooxda Chelsea ayaa diyaarinaysa inay dalab qorsheysan ka gudbiyaan daafaca kooxda Fenerbehce wiilka lagu magacaabo Simon Kjaer.

 

Sida laga soo xiganayo jaraa’idka kasoo baxa talyaaniga ee Gazzetta Dello Sport tababaraha kooxda Chelsea ayaa bar tilmaameed ka dhigtay daafacan wuxuuna rabaa inuu bisha Janaayo u wado Stamford Bridge.

Sida lagusoo waramayo tababare Antonio Conte ayaa doonaya inuu daafaciisa adkeeyo wiilkan ayaana kamid ah xidigaha uu macallinku isha ku hayo isaga oo raba inuu sii joogteeyo booska ay kooxdiisu haatan kaga jirto horyaalka.

 

Conte ayaa wiilkan reer Denmark u arka dookha saxda ah ee buuxin kara shuruudaha xeelada 3-4-3 ee kaaartiistaha reer talyaani keenay horyaalka ingiriiska, masuulka ayaana xidigan u arka saxiixyada uu ku hanan karo horyaalka.

 

Lkn caqabada weyn ee hor istaagi karta dalabka Chelsea ayaa ah inaysan kooxda Fenerbahce iska fasaxayn xidigeedan muhiimka ah bishan janaayo waxaana macquul ah inay baas adag la ciyaaraan The Blues.

 

Si kastaba kooxda Chelsea ayaa lasoo saxiixan karta xidigan hadii ay ka dhaadhiciyaan kooxda Fenerbehce inay wiilkan ka iibiyaan bixyaana aduun kor u dhaafaya £15 Milyan.

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: