Suuqa Live:Kooxda Ac Milan Oo Premier League U Soo Weerar Tagtay Xiddig Aan Kooxdiisa Boos Ka Haysan Ayay Doonayaan

kooxda Ac Milan ayaa ku rajo weyn saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Everton ee Gerard Deulofeu sida laga soo xiganayo wargayska Gazzetta dello Sport.

Wararka ayaa sheegaya in 22 jirkan reer Spain doonayo in uu u dhaqaaqo kooxda ku ciyaarta garoonka San Siro inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bishan.

Si kasta ha ahaatee maamulka Ac Milan ayay qasab ku tahay in ay tababaraha Everton ee Ronald Koeman ku qanciyaan in ay ka iibiyaan xiddigii hore ee Kooxda Barcelona.

Xiddigan Reer Spain ayaa ku guuldaraystay in uu boos joogto ah ka helo kooxda Everton xilli ciyaareedkan xilli Xiddigani doonayo in uu si amaah ah ugu biiro kooxda Ac Milan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Wadahadalada oo haatan socda ayaa la rajaynayaa in ay ka soo baxaan heshiis wax ku ool ah oo ay labada dhinac gaaraan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: