Suuqa Live: PSG Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbinaysa Sanchez, Calhanoglu Oo Ku Wajahan Chelsea Iyo Dhamaan Goos Gooska Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa furan maalintiisii 11aad waxaana jira xidigo badan oo si rasmi ah ugu biiray kooxo kala duwan.

Halkaan hoose ayaanu idiin kusoo tabin goos gooska wararkii ugu danneeyay ee laga qoro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Schneiderlin Oo Caafimaadka U Maraya Everton

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Everton.

Sky Sports aya laga soo xiganayaa in xidigu caafimaadka u marayo kooxda Everton isla markaana laga yaabo.in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo heshiiska uu ugu biirayo.kooxda Everton.

Morgan ayaa boos joogta ah ka waayay kooxda tababare ajose Mourinho isaga oo kaliya 9 daqiiqo garoonka lugaha galiyay xilli ciyaareedkan.

Loading...

Kooxda PSG Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbinaysa Alex Sanchez

Kooxda Arsenal ayaa la dhibtoonaysa inay heshiis cusub ka saxiixdo mashiinkeeda weerarka ee Alex Sanchez oo xilli ciyaareedkan horyaalka ka fhaliyay 14 gool oo nadiif ah.

 

Kooxda PSG ayaa qorsheynaysa inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan wiilka ay Arsenal isla itaal daranyihiin ee Apex Sanchez iyaga oo raba inay ka dajiyaan Parce Des Prince.

Kooxda Chelsea Oo Isha La Raacaysa Calhanoglu

Kooxda Chelsea ayaa lagusoo waramayaa inay isha ku hayaan xaalada khadka dhexe ee kooxda Bayer Liverkusen wiilka lagu magacaabo Hakan Calhanoglu.

Turkish Football.com ayaa laga soo xiganayaa in kooxda Chelsea ay xiiso weyn u qabto xidigaa isla markaa bar tilmaameed ka dhigteen inay lasoo wareegaan bishan janaayo.

Kooxda Tottenham Oo diirada Saartay Nicolas Gaitan

Kooxda Tottenham ayaa diirada ku haysa inay lasoo saxiixdaan xidiga baasha uga ciyaara kooxda Atletico Madrid.

Jariirada kasoo baxda wadanka Spain ee AS ayaa sheegasa in macallinka kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino uu doonayo inuu wiilka kusoo xoojiyo askartiisa.

Dalab Kooxda Arsenal Oo Ku Aadan Manolas Oo Lasoo Diiday

Dalab ay kooxda Arsenal u gudbisay kooxda Roma kaasi oo ku aadanaa saxiixa Kostas Manolas ayaa lasoo diiday sida la sheegayo.

Wakiilka xidiga oo lagu magacaabo Ioannis Evangelopoulos ayaa isaga oo la hadlaya Sport FM wuxuu xaqiijiyay in dalab £40 Milyan ah kooxda Arsenal ka keentay xidigan balse kooxda Roma ay dalabkaadi ku gacan seyrtay.

John Terry Oo La Filayo Inuu Chelsea Kusii Nagaan Doono

Ruug cadaaga kooxda Chelsea ee John Terry ayaa saakay lala xiriiriyay inuu amaah ku aadi doono Bournemouth.

Ilo kasoo baxaya Sky Sport ayaa sheegaya.in John Terry uusan meelna u socon siina joogayo kooxda Chelsea ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Xidiga ayuu qandaraaskiisa uu Stamford Bridge ku joogo dhici doonaa xdhamaadka xilli ciyaareedkan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.