Suuqa: Kooxda Arsenal Oo Suuqaan January Qorshaynaysa Heshiis Yaab Leh! Sidee Ayay Wax U Dhici Doonaan?

Kooxda reer London ee Arsenal ayaa la sheegayaa inay bishaan January qorshaynayso heshiis la yaab kaas oo ay amaah ugu dirayso kabteenka koowaad ee kooxda ninka reer German ee lagu magacaabo Per Mertesacker.

Xiddigigaan ku guulaystay koobka aduunka oo haatan dhaawac kasoo laabtay ayaa weli sugaaya inuu safto kulankiisi u horreyay xilli ciyaareedkaan isagoona dhawaan loo doortay kabtanka kooxda kadib arkii uu baxay kabtankii kooxdaas ee Arteta.

Per Mertesacker could leave Arsenal in January

32 jirkaan ayay keliya 6 bilood ka hadahay xilliga uu si xor ah uga bixi lahaa kooxda maadama uu heshiiskiisu uu dhacaayo xagaaga soo socda isagoona la sheegayo inuu doonayo inuu qandaaas cusub kooxda u saxiixo balse kooxda Gunners aya shardi ku xidhay middaas.

kadib markii ay soo qaadatay Mustafi kaas oo aan weli guul darro la dhadhamin Gunners kooxdan ayaa u sheegtay kabtankeeda inuu haysto fursad uu ku caddayn karo inuu u qalmo heshiis cusub balse aysan ahayn gudaha Emirates taas bedelkeeda se amaah loo diri doono.

Waa Sheeko kale inaad xiddig xor kaaga sii baxaaya aad adigu shardi ku xidho heshis kordhintiisa Arsenal ayaan u muuqata mid ku kalsoon jacaylka u kabtankeedu u qabo kooxda.

Si Kastaba hadi wax kastaa u dhacaan sida ay qorshaysay Arsenal xiddigaan ayaan amaah lagu siin doonin koox ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska waxaaan la rajaynayaa inuu xiddigaan mar kale ku laabto Bundesliga iyo midkood kooxihii uu h-re ugu soo ciyaaray ee Hannover, iyo Werder Bremen

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: