Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda: Kooxda Liverpool Oo Kharashaad U Diyaarisay Saxiixa Xidig Ka Ciyaara Horyaalka Germany

Sida lagusoo waramayo Kooxda Liverpool ayaa lasoo wareegaysa laacibka kooxda Bayer Liverkusen wiilka lagu magacaabo Julian Brandt.

 

Brandit ayaa kooxda Liverpool lala xiriiriyay suuq ciyaareedo kala duwan, xataa markii uu Brenden Rodgers kooxda joogay kooxda Liverpool ayaa wiilkan saxiixiisa u dhawaatay.

Tababare Jurgen Klopp ayaa muujiyay xiisaha uu wiilkan u qabo. Jariirada Liverpool Echo ayaana shaaca ka qaaday in macallinku lasoo wareegayo xidigan.

 

Wararka ayaa sheegaya in Klopp uu taageere u ahaa xidigan isla markaan uu dhowr goor oo horre u diray indha indheeyayaal soo daawa xirfada laacibkan.

The Reds ayaa iyagu raba inay wiilkan reer German isla bishaan soo xero galiyaan lkn naadiga Bayer Liverkusen ayaa iyaguna dhinacooda ku faro adeygaya xidigan iyaga oo doonaya inay sii haystaan mashiinkan.

 

Si kastaba ha ahaatee xataa hadii ay bishan u suurto gali waydo Reds ayaa qorsheynaysa inay xidigan £20 Milyan kulasoo wareegaan xagaaga inagu soo beegan.

 

Si kastaba kooxda Liverpool ayaan sahal ku hantiyi doonin laacibkan iyaga oo loolan adag kala kulmaya kooxda kale reer German ee Bayer Munich waa sida uu qorayo war sidaha Germany kaso baxa ee Bild.

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.