Suuqa: Iska Ilow Kooxaha Ingiriiska, James Rodriguez Oo Dalab Waali Ah Ka Helaya Horyaalka China. Toban Laabka Mushaharkiisa Ayaa Loo Ballan Qaaday Balse Wuu Diiday

kuvad sameeyaha kooxda Real Madrid ee James Rodriguez ayaa suuq ciyaareedkan aad loola xiriirin inuu ka huleeli doono kooxda horyaalka La Liga hogaaminaysa ee Real Madrid oo uu xilli ciyaareedkan intiisa badan la dhibtooday inuu boos joogta ah ka helo.

Kooxaha ka dhisan horyaalka Ingiriiska ee Manchester United iyo Chelsea ayaa lala xiriiriyay inuu xidigu u wareegi doono bishan Janaayo lkn haatan waxaa loolanka wiilka kusoo biiray kooxaha reer China oo betyahan danbe ka ugaarsada horyaalada ugu waaweyn yurub.

Sida uu qorayo war sidaha kasoo baxa wadanka Spain ee AS, James Rodriguez ayaa iska diiday dalab uu ku qaadan karo toban laab mushaharka uu haatan ka qaato kooxda Real Madrid oo uga yimid koox ka dhisan horyaaka China Suoer League.

Sida ay wararki sheegayaan dalabkan ayuu wiilka reer Colombia ku gacan seyray ayuu sanadkii ku heli lahaa aduun kor u dhaafaya £26 Milyan sanadkii.

Wakiilo ka socday kooxda indha yarta ah ee uu maamulo Manuel Pellegrini ee lagu magacaabo Hebei Fortune ayaa la kulmay madad weynaha kooxda Real Madrid ee Fiorentino Perez maalmihii la bixinayay abaal marinta Globe Soccer Awards ee bishii December waxeyna masuuliyiintu u socdeen inay kooxda Real Madrid ka dhaadhiciyaan sadiixa James Rodriguez.

Waxaa la sheega inay kooxda Real Madrid usoo bandhigeen inay xidigan kula wareegaan aduun dhan£95m iyaga oo wiilkana kusoo jiidanaya mushahar aan caadi aheyn oo gaaraya £500,000 usbuc kasta, wuxuuna noqon lahaa xidiga 2aad ee ugu mushaharka badan caalamka kasokow Carlos Tevez.

 

Taas bedelkeeda James ayaa door bidaya inuu u xaadiro mushaharkiisa haatan ee Real Madrid oo ah £58,000 usbuucii wuxuuna iska daboolay fursada uu ugu wareegi lahaa China. James ayaana doonaya inuu booskiisa joogtada ah ee Real Madrid xoreysto.

Si kastaba horyaalka China ayaa lacago mish macquul ah kharash gareynaya iyaga oo dhawaan la wareegay Oscar iyo Carlos Tevez kana dhigay xidigaha ugu mushahark badan caalamka.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: