Tuesday 21 November, 2017

Rasmi:Xiddig Hore Ugu Soo Ciyaaray Kooxaha Chelsea Iyo Real Madrid Oo Ku Biiray Koox Premier League Ah Shaqo Noocee Ah Ayuu Ka Qaban Doonaa

Kooxda horyaalka Premier League aadka ugu dhibaataysan ee SWANSEA City ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddigii hore ee kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ee Claude Makelele.

Halyeygii hore ee xulka qaranka France ayaa ka mid noqday shaqaalaha tababare Paul Clement oo dhawaan loo magacaabay xilka kooxda reer Wales ee SWANSEA.

34 jirkan ayaa horay ula soo shaqeeyay tababare Paul Clement wakhtigaas oo ay joogeen kooxda chelsea xilli ciyaareedkii 2007-2008 isaga oo sidoo kale xiddigani la soo shaqeeyay tababare Carlo Ancelotti wakhtigiisii kooxda Paris St-Germain.

Xiddigan oo xulka qaranka France u saftay 71 kulan ayaa kooxda Reer wale u saxiixay heshiis uu kooxda kula joogayo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Makelele ayaa kulankiisa ugu horeeya ka hor iman doona kooxda Arsenal kulanka premier league ah ee ay labada kooxood ciyaari doonaa maalinta sabtida.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: