Rasmi: Luka Modric Oo Markii 5-aad Loo Magacaabay Xiddiga Sannadka Dalkiisa Hooyo Ee Croatia.

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa ku guulaystay abaal marinta xiddiga sannadka dalkiisa hooyo ee Croatia.

31 jirkaan lagu naanayso dhiciska lugaha waaweyn ayaa abaal marintaan ku garaacay xiddiga ay La Liga ka wada xiyaaraan isla markaana khadka dhexe uga dheela kooxda Barelona ee Ivan Rakitic.

Modric named Croatian Player of the Year for the fifth time

Waa markii 5-aad ee ay Vecernji oo abaalmarintaan bixisaa ay xiddigaan magacawdo waxaana xiddiigaan h-re loo caleemo saaray sannadihii 2007, 2008, 2011 iyo 2014 isagoona dib ula soo laabtay sannadkaan kadib markii uu sannadkii h-re u waayay xiddiga  kooxda Barcelona oo 2015-kii ku guulaysatay abal marintaas.

Xiddigaan ayaa saldhig u ah guulaha kooxdiisa Real Madrid isagoona kooxdaan ku hogaamiyay koobkoodi 11-aad ee Champions League bishii May halka uu sidoo  kalena ahaa xiddiga qarankiisa taetankii Euro 2016.

“Abaal marintaan micne weyn ayay iigu fadhidaa ,  waa markii shanaad ee aan helo , si khaas ah ayaan u qiimeya sababtoo ah waa caado iyo dhaqan aad u weyn,” ayuu Modric u sheegay webka rasmiga ah ee Kooxda Madrid.

Modric ayaa abaal marintaan ku helay cod aqlabiyad ah isagoona urursaday  110 cod sidaana uu kaalinta koowaad uga qaaday saaxiibkiisa qaranka ee Rakitic (80) iyo kan Juventus  Mario Mandzukic (76) oo soo xidhay kaalinta saddexad.

Comments

comments

Leave a Reply