Rasmi: Kooxda Chelsea Oo Ku Guul Dareesatay Racfaankii Ay Ka Qaateen Kaarkii Guduudnaa Ee John Terry Iyo Kabtanka Oo Hal Kulan Seegi Doona

Kooxda Chelsea ayaa ku guul dareesatay racfaankii ay ka qaateen kaarkii guduudnaa ee kabtankooda John Terry loo taagay kulankii ay The Blues guusha weyn ka gaartay dhigeeda Peterborough.

 

Kabtan John Terry ayuu garsoore Kevin Friend garoonka ka saaray kadib markii uu dhulka dhigay weeraryahanka kooxda Petetborough ee Le Angol kulan ay kooxda Chelsea guushu ku raacday 4:1.

Weeraryahanka 22 jirka ah ayaa xaga goosha Chelsea u jihaysnaa isaga oo raadinayay inuu kooxdiisa natiijo u keeno balse kabtanka kooxda Chelsea ayaa isagana dhankiisa isku dayay inuu iska caabiyo taasi oo keeentay inuu faawalo.

 

Kooxda Chelsea ayaa iyagu ku dooday in John Terry uusan aheyn daafacii u danbeeyay ee xariiqa goosha hor taagnaa balse uu jiray daafac ka danbeeya sidaas darteedna kaarka cas uu qalad ahaa lkn ururka FA-ga ingiriiska ayaan warkaasi dhag jalaq u siinin.

 

Go’aankan FA gaareen ayaa ka dhigan in ruug cadaaga kooxda Chelsea la ganaaxi doono hal kulan wuxuuna si rasmi ah u seegi doonaa kulanka ay koxdiisu wajahayso Leicester City maalinta sabtida ah.

 

Kulankii uu John Terry ciyaaray maalintii axada aheyd ee FA Cupka ayaa ahaa midkii 50aad ee tartanka FA Cupka ka ciyaaro xidigu lkn wuxuu ahaa kaliya midkii 9aad ee uu xilli ciyaareedkan safto.

 

 

 

 

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: